Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Rejo Siyaasiga Cabdillaahi Axmed Maxamed (Dahab), ayaa ka tacsiyeeyey geerida naxdinta leh ee ku timid Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.
Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya Magacayga, Ururka REJO, kan taageerayaasha iyo shacabka Somalilandba waxaan tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe.
Garaad Saleebaan kaalin muhiim ah ayuu ka soo qaatay nabadeyntii beelaha Somaliland, wuxuuna ka mid ahaa Isimadda soo jireenka ah ama kuwa Soomaali ugu faca weyn.
Gudoomiyaha ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskiisa, Somaliland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.
Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.