Gudoomiyihii hore ee Ururka Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa markale muddo-kordhintii Madaxweynaha Somaliland ku tilmaamay sharci-darro oo aanu aqoonsan doonin marka la gaaro 13 November, Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa.
“Annaga waxaanu u aragnaa muddo kordhin xaaraan ah, haddii aan xal la isugu iman oo aan xal siyaasi ah la isugu iman oo aan caqligu shaqayn mawqifkayagu waxa weeye in marka la gaadho 13-ka November aanan xukumadda iyo madaxweynaha toona u aqoonsanayn in ay sharci ku fadhiyaan.” ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee Ururka Waddani oo horey ka mid ahaan jiray 3-da Xisbi ee Somaliland.
Xisbiyaddii Somaliland ayaa waqtigii jiritaankoodu dhamaanayaa, waxaana socda u diyaargarowga tartanka doorashadda Ururadda Siyaasadda, balse waxaan arintaasi ka degi la dahay Gudoomiyaashii Hore ee Xisbiyaddii Waddani iyo UCID.
DAAWO HADALJEEDINTII CIRRO: