GUMEYSIGA CUSUB EE SNM IYO SIDA AY LAASCAANOOD U QAYBIYEEN

qori dhiig xornimo

Maamulka SNM ee 15 kii sanadood ee la soo dhaafay dilalka qorsheysan iyo xasuuqa ka waday degaamada SSC ayaa soo abaabulay qorshe cusub oo gumeysi, kaas oo ay doonayaan inay Magaaladda Laascaanood ku sii haystaan.

Magaaladda Laascaanood waxaa loo qaybiyey 4 qaybood oo ay kala xukumaan horgallada ka soo jeeda Goboladda SSC.

Masaajidka iyo wixii waqooyi ka sii xiga (Yagoori Cadhootay) waxaa loo xilsaaray Horgal Mahad Canbaashe iyo Maleeshiyadiisa, Gooladda ilaa Ex kotorool waxaa loo xilsaaray Horgallada Ugaadhyahan oo uu hormuud u yahay Xuseen Ducaale Dheeg, Xaafadda Madareemin waxaa loo xilsaaray ninka lagu naaneyso Foolhawiye iyo Maleeshiyadiisa, Masaajidka ilaa Farxaskule waxaa loo xilsaaray Horgallada Qayaad, Barkad iyo dhulbahantaha kale.

Dhamaan Horgallada SSC waxay hoos tegayaan taliyaha Maleeshiyada SNM ee fadhigiisu yahay GOOJACADE.

Arrinta waxay cadeynaysaa inaan GACAN-KU-DHIIGLE Muuse Biix iyo Maleeshiyaddisu aanay diyaar u ahayn inay Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ka baxaan.

Jamaahiirta kacdoonka ee SSC waxaa la gudboon inay halgankoodda sii xoojiyaan ilaa Maleeshiyadda Muuse Biixi iyo Horgalladiisa degaamadda laga xoreynayo, oo maamul ay iyagu soo magacowdaan keensanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here