Dalka Kenya oo ka mid ah waddamada geeska Afrika ee ay sida ba’an u saameysay abaarta ayaa diyaarad sidda gargaar ugu deeqay dalka deriska la ah ee Soomaaliya.Â
Deeqdan ayaa waxaa buuq iyo sawaxan ay ka abuurtay baraha bulshada iyadoo in ka badan rubuc ka mid ah dadka u dhashay Kenya ee ku nool dhulka xoola dhaqatadu dagaan iyo dhulalka oomanaha ah ay soo food saartay xaalad cunto yari ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.
Shixnaddan ayaa isugu jirtay raashiin kala duwan iyo dawooyin leh noocyo kala duwan, sida lagu sheegay war ka soo baxay militariga Kenya.
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in gargaarkan uu jawaab u yahay qaraxyadii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 120 qof.