Hoggaamiyihii hore ee Midowgii Soofiyeet Mikhail Gorbachev, oo sabab u ahaa inuu soo dhammaado dagaalkii qaboobaa ayaa geeriyooday isaga oo da’diisa ahayd 91 jir.
Gorbachev oo talada Midowgii Soofiyeet la wareegay 1985-kii ayaa waddo cusub u furay xiriirka uu Midowgii Soofiyeti la lahaa caalamka intiisa kale isaga oo isbeddallo baddanna gudaha dalkaasi ka sameeyey.
Hase yeeshee wuxuu ka hortagi waayey burburka ku yimid Midowgii Soofiyeet ee horseedday inuu sameysmo Ruushka casriga ah ee maanta.
Hoggaamiyeyaasha caalamka qaarkood ayaa si weyn u ammaanay hoggaamiyihii Midowga Soofiyeet ee geeriyooday Michael Gorbachev.