HOGAANKA SARE EE SSC-KHAATUMO OO MAANTA XILKA LA WAREEGAY

ssc khaatumo xilwareejin

Hogaanka sare ee SSC-Khaatumo ayaa xilkii kala wareegay Guddiga 33 ka ee

SSC-Khaatumo oo Todobadii biilood ee halganka SSC-Khaatumo uu socdey maamulayey howlaha halganka.

Sh Maxamuud Salaad Guddomiyaha guddia 33 ka ayaa wareejiyey Hanti ay leedahay SSC-Khaatumo oo isugu jirta Dhaqaale, Hub, Gaadiid Dagaal, Xooli Nool, Faylal diyaarsan ,iwm .

Madaxwaynaha SSC-Khaatumo C/Qaadir Axmed Awcali , Madaxwayne ku xigeenka Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine , Sh Jaamac Yaasiin Warsame gudoomiyaha golaha dhexe ee SSC-Khaatumo ayaa si wada jir ah ugala wareegay xilka SSC-Khaatumo .

Waxaana ay balan qaadeen inay dhamaystirayaan Halganka SSC-Khaatumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here