Afhayeenka Guddiga 33 ka Xubnood ee Aayo ka talinta gobollada SSC Caaaqil C/Risaaq Falaalug ayaa maanta ku dhowaaqay inaan Somaliland wax caawimo ah loo soo marin karin.
Fahayeenka ayaa yiri “Lama soo marin Karo Hargeisa wax gargaar Bani’aanimo oo dadkayaga ay ugu talagaleen Haya’adaha UN- ka , Anaga ayaa la macaamilayna oo dadkayaga in ay Hay’-adahaasi gaadhsiiyaan ka Caawinayna , amnigoodana anaga ayaa sugayna, Hadii ay Maamulka Muuse Biixi Soo mareen anaga ma damaanad qaadayno amnigooda, Waxaanuna u mahad naqaynaa qaar ka mid ah UN ka oo xog ururinta ka sameeyey dadkii ka barakacay dagaalka Laascaanood ee ku sugan degmooyin kale ee gobolka Sool.“