HUBAAL LA’AANTA KU GEDAAMAN SOO CELINTA ASKARTII ERITREA KU SUGAN

ciidan eritrea

Wali waxaa jirta hubaal la’aan ku aadan xilliga ay soo noqonayaan dhallinyarada Soomaalida ee tababarka loogu qaaday Eritrea iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku tagay dalkaasi isbuucan markii labaad muddo lix bilood gudhaood.

Ciidammadaasi ayaa muddo bilooyin ah tababar u joogay dalkaasi Eritrea

Bishii Julaay horraanteedii ayay ahayd markii safarkiisii ugu horreeyey uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay dalkaas, iyada oo xilligaas markii ugu horreysay meel fagaare ah lagu arkay ciidan ay halkaa u dirsatay dawladda Soomaaliya si loogu tababaro.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisii hore ee bishii Luuliyo ee sanadkan uu ku tagay dalkaas, dowladda Ereteriya uga codsaday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tababaro qeybta ciidamada cirka ayaa Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay kaalinteeda dhismaha ciidanka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey bogga Villa Soomaaliya.

Dalka Ereteriya ayaa muddooyinkii u dambeeyey aad looga hadal hayey fagaarayaasha siyaasadda ee Soomaaliya.

Ciidamadan oo ay dalkaas u dirtay xukuumaddii ka horraysay tan Xasan Shiikh ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Framaajo, ayaaa marar badan waxaa warbaahinta laga arkayey hooyooyin cabanaya oo sheegay in ubadkoodii aanay wax war ka maqlin, ayna ugu war danbeysay markii dalkaas loo qaaday.

Ciidamadaas ayaa dhanka kale ay soo baxayeen warar sheegayey in ay qayb ka noqdeen dagaalkii Waqooyiga Itoobbiya ee gobolka Tigray, inkastoo dowladda Soomalaiya ay beenisay arrintaasi.

Waxyaabaha uu ballan-qaaday madaxweyne Xasan Sheekh intii aan la dooran waxaa ku jira arrinta dhallinyarada la sheegay in tababar ciidan loo geeyay dalka Eritrea iyo inuu si deg deg ah u soo celin doono.

Dowladdii hore wuxuu ku dhaliilay qaabka ay u maamushay kiiska dhallinyaradaas.

Hase yeeshee, wuxuu ballan-qaaday in arrinta dhallinyaradaas ay noqon doonto howlaha muhiimadda koowaad u leh maalinta uu xafiiska tago.

Waxaan ilaa iyo hadda kala caddeyn askarta la tababaray, nooca loo tababaray iyo qeybaha ay ku biiri doonaan.

Maxay ka dhigan tahay in Madaxweyne Xasan Shiikh laba jeer ku noqdo dalkaas?

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa u arka sababta ugu weyn ee Madaxweyne ugu noqonayo dalkaas in ay ciidanka halkaas jooga.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad oo falanqaynayey ayaa BBC-da u sheegay in ciidankaasi yihiin masuuliyadda madaxweynaha, ayna shaqadiisa tahay ka warhayntoodu.

“Ciidamadaas Soomaalida ee meesha Ereteriya joogta masuuliyadoodu madaxweynaha ayay saaran tahay. Shan kun oo ciidan ah ayaa halkaas tababar u jooga ayaa laynoo sheegay , kolkaas madaxweynaha iyo masuul kasta oo soomaaliyeed waxaa ka saaran masuuliyad,” ayuu Cawed u sheegay BBC-da.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta ciidanka tababarka loo geeyay dalka Eritrea markii uu xilka ku wareejinayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sheegay in ciidankaas oo tiradooda ay gaarayso 5,000 oo askari ay isugu jiraan qeybaha ciidanka. Wuxuu xusay in ay tababarka dhameysteen bartamihii sanadkii 2021.

“Iyadoo la rabay in la keeno dib baan u dhignay sababtoo ah xaaladda siyaasadeed iyo doorashada aan ku jirnay in ay isa saameyso,” ayuu yii Farmaajo.

Maxay ka yidhaahdeen waalidiintii dhalay ubadkaas?

Waalidiinta dhalinyaradaas ayaa muddo codsanayay in dalka lagu soo celiyo wiilashooda. Waxaa kamid ah Sacdiyo Mowliid Cabdi oo wiilkeeda uu kamid yahay askarta lagu tababaray Eritrea.

Waxay BBC-da u sheegtay in wiilkeedu ka maqan yahay ku dhawaad saddex sano, markii uu tegayayna loo sheegay in loo qaadayo dalka Qatar.

“Waxaan ka codsanaynaa madaxweynaha in ilmaheenna noo keeno oo aan aragno ayagoo nabad qaba” ayay u sheegtay BBC-da Sacdiyo.

Waxay ka dalbatay madaxweynaha inuu caddeeyo goorta ay dhallinyaradaasi dalka dib ugu soo noqonayaan

Wererka waalidiinta ee ubadkas ayaa soo bilaabmay tan iyo markii uu soo baxay warar la baahiyey oo sheegayey in ciidamadaasi dagaallo galeen.

Waxaase xaalku isbeddelay booqoashadii Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaar ka mid ah ubadkaasi ay la soo xidhiidheen waalidkood.

Inkasta oo aanay weli caddayn goorta lagu soo celin doono Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here