IIRAAN OO KHUBARO CIIDAN U DIRTAY DAGAALKA KA SOCDA UKRAINE

iran flag

Iiraan ayaa khubaro dhanka ciidanka ah geysay gobolka Crimea ee uu Ruushku heysto, si ay gacan uga geystaan ​​weerarrada ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka geysanayaan Ukraine, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Iiraaniyiintu waa tababarayaal iyo shaqaale baritaaraya qalabka casriga ah ee teknoolojiyadda, afhayeen u hadlay Mareykanka ayaa sidaasi yiri.

Magaalada Kyiv ee caasimadda dalka Ukraine, ayaa waxaa Isniintii shalay lagu garaacay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee “Kamikaze”, oo uu Ruushka geeyay, balse la rumeysan yahay in laga leeyahay dalka Iran.

Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inay cunaqabatayn ku soo rogtay ganacsatada Iiraan u dhashey, iyo shaqsiyaadka masuulka ka ah keenista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

“Waxaan qiimeyneynaa in ciidamada Iiraan ay ku sugan yihiin Crimea, ayna ka caawiyeen Ruushka howlgalladan,” ayuu yiri afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby, oo saxaafadda la hadlay.

Tiro aad u yar oo Iiraaniyiin ah ayaa taageero farsamo siiya Ruushka, iyadoo duuliya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee duqeymaha ka geysta Ukraine, ayuu yidhi.

Dowladda Maraykanku ayaa waxay sameyn doontaa si kasta oo ay ku “muujin karto diidmadeeda, looggana hortagi karo hubka Iiraan ay siiso Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here