DABKII LAGU XANUUNSADO FARUHU KUMA DIRAADAANE, Soomaalidu wax walba horey bay murtideeda ugu sheegtay, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa si kala duwan oo hadana isku af ah Musharaxa Ugu cadcad ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cali Xaamud Jibriil ugu sheegay inuu u sharaxan yahay kursi khalad ah oo Beelaha hubaysani leeyihiin, islamarkaana uu iimaansado kursiga Reerkooda ee kuxigeenimada oo uu hadda ku fadhiyo, arintaas oo ah meel-kadhac ku ah shacabka Gobolka Awdal.
Sidoo kale waxaa Cali Xaamud ayaa loo sheegay in kuwa dabada ka riixaya aanay waxba u tarayn, taasoo ay ula jeedaan Xildhibaanadda Beesha Garxajis.
In Gudoomiye Cali Xaamud la aflagaadeeyo, oo laga hormariyo oday YAASIIN FARATOON oo ku suntan wax-matare ah, asaasaqay, oo tolkii iyo degaankiisii ka saaqiday, waxaa sababay nabad jaceylka GADABUURSi, falkani wuxuu cadeynayaa in Maamuleyaasha Jamhadda SNM ay fahmaan xabadda keliya, sidaasdarteed waxaan Reer Awdal kula talinayaa, hadaydin qoryaha PKM ama Dashiikaha tuurta ku sidan ka hadha tartanka Musharaxnimadda Gudoomiyaha Barlamaanka.