Safiirka Dowladda Ingiriiska ee dalka, Kate Foster ayaa walaac ka muujisay xaaladda ka taagan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, iyadoona dhinacyada ugu baaqday inaanay xaaladda kaga sii darin.
“Waxaan ka walaacsanahay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Laascaanood, oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.” Ayay tiri Kate Foster.
Kate Foster ayaa Twitter-keeda ku sheegtay “Waxaan u soo jeedinaynaa dhammaan dhinacyada in ay isdejiyaan, lagana fogaado khasaare kale, si nabad ahna lagu xaliyo arrinta.”