Isimada dhaqanka SSC ayaa aalada zoom ka shir kula qaatey safiirka dawlada maraykanka u fadhiya somaliya
Dowladda Maraykanka iyo Issimada ayaa ka wadahadlay Dagaalada iyo Colaada Laascaanood sidii Xal loogu heli lahaa iyo sidii Gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii ku Barakacay Dagaalada afartii Todobaad ee lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Laascaanod.
Issimada ayaa cadeeyey in iyagu aysan marna duulaan ahayn, marwalbana difaac ay ku jiraan soona dhawaynayaan dedaalada Beesha Caalamka ee Joojinta Colaada.