JARMALKA OO UKRAINE U BALANQAADAY TAANGIYO IYO MADAAFIIC BADAN

Ukraine Volodymyr Zelensky

Ukraine ayaa ah ajandaha ugu sarreeya shirka Nato, Jarmalkuna wuxuu hadda ballan qaaday €700m oo kale oo gargaar milatari ah oo uu siinayo Ukraine.

Wasiirka difaaca Jarmalka Boris Pistorius oo yimid shir madaxeedka Nato ayaa sheegay in hubka cusub ay ka mid noqon doonto labo gantaal oo ah nooca Patriot, 25 Taangiyada Leopard 1 A5, 40 baabuur oo kuwa dagaalka Marder ah, 20,000 oo madaafiic ah iyo sidoo kale 5,000 oo rasaasta qiiqa ah .

Pistorius wuxuu sheegay in deeqdan hubka ah “ay gacan ka geeysan doonto mudnaanta Ukraine ee difaaca hawada, taangiyada iyo madaafiicda”.

Dhowrkii bilood ee ugu horeyay ee duulaanka buuxa ee Ruushku uu ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022, Jarmalku wuu ka warwareegay inuu hub u diro Kyiv, isagoo ka cabsi qabay inay taasi horseeddo dagaal toos ah oo uu la galo Ruushka oo hubka nukliyeerka ah haysto.

Laakiin Berlin markii dambe si weyn ayey u bedeshay mawqifkeedii, iyada oo noqotay dalka labaad ee Ukraine siiyo tagaero milatero kadib Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here