KACDOONKII LAASCAANOOD OO MAALINTII 9AAD GALAY IYO MALEESHIYADII SNM OO FARO-KU-GABAD KU JIRTA

ssc midnimada

Waxaa maalintii 9aad galay Kacdoonkii shacabka Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ugu halgamayeen wadajirka Soomaalida iyo Muslimiinta.

Inkastoo ay xili hore tahay, haddana Xaaladda ayaa cakiran, Maleeshiyada SNM ayaa magaalada ka jartay Isgaarsiintii iyo adeegyadii muhiimka ahaa, kacdoonka iyo iska caabinta ayaa marba marka ka dambeysa si xoogeysanaya.

Magaaladda oo dhan ayaa xiran, waxaa la mabnuucay derajaduu doono ha lahaadee cidkasta oo soo jeedisa la macaabilka ama xiriir la yeelata Gacan-ku-dhiigleyaal Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Khaahin, iyo Horgaladooda degaanka ka soo jeeda.

Maleesiyadda SNM ee loo soo diray inay xasuuqaan shacabka Goboladda SSC ayaa hadda Faro-ku-gabad ku jirta.

Isgaarsiin Magaaladda laga jaray ayaa Caalamka u cadeysay Xasuuqa jamhaddu wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here