LAASCAANOOD: DAGAAL CULUS OO XALAY KA DHACAY DAAFAHA MAGAALADA

kacdoonka ssc

Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay xaafada durdurka ee aaga iskuulka Hass ay dhistey, halkaas waxaa degenaa maleeshiyaad ka tirsan jabhada SNM, Weerarkaas ayaa la sheegay inay fuliyeen Ciidamadda xaq u dirirka ah ee SSC.

Weerarka oo markii hore ku bilaabmey hubka culus ee baasuukaha ayaa markii dambena waxaa bilaabmey rasaas ka dhacda qoryaha darandooriga u dhaca, xabaduna waxay socotey mudo ku dhow saacad, jugta iyo daryanka madaafiicda ayaa laga maqley dhamaan xaafadaha koonfurta laascaanood, iyadoo xabadu markii dambe si iskeed ah u joogsatey.

Xoggo rasmiya oo la helay ayaa xaqiijiyey in maleeshiyadda SNM ee degaanka ku soo duushay uu soo gaadhey khasaare aad u culus, iyadoo markay xabadu istaagtay ay goobta yimid baabuurta gargaarka degdeg ah.

Dadkii ka agdhawaa goobta ayaa xaqiijiyey in markay rasaastu joogsatey jabhada SNM xeradeeda ay ka baxaysey qaylo iyo muusanow, gaadiidka gurmadka degdegu ayey mudo ku qaadatay inay guraan dhaawacyada iyo maydadka SNM.

Labada dhinac ee Maleeshiyada SSC iyo mujaahidiinta xaq u dirirka ah ee SSC wali xog rasmiya kama soo bixin, khasaaraha kala gaadhay.

Weeraradan ayaa jawaab u ah xasuuqa ay Malayshiyaadka jabhada SNM ee uu hogaamiyo GACAN-KU-DHIIGLE MUUSE BIIXI CABDI.

#SSCGENOCIDE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here