LAASCAANOOD: MALEESHIYADDA SNM OO LACAGO MADAXFURASHO AH BILAABAY

maleeshiyada somaliland shacabkii gadanaya

Waalidiinta dhalay boqolaal caruur iyo dhalinyaro ah oo Maleeshiyadda SNM ka Urursadeen wadooyinka iyo guryaha magaalada Laascaanood ayaa soo bandhigay cadeymaha lacago magefenimo ah oo ay madax-furasho uga qaateen horjoogeyaasha Maleeshiyaadka SNM kuwaas oo u soo celiyey Caruurtoodii.

Taliyaha Booliiska Gobolka Sool, Cali Axmed Muuse Xirsi ayaa waalidiintii caruurta dhashay keeneen cadeymo lacago badan oo ay Madaxfurasho u siiyeen ama dad dilaaliin u ahi uga qaadeen.

Arimahan Magefenimadda ah waxay fashiliyeen Maamulka SNM ee 30 sano ka badansheeganayey dawladnimo, islamarkaana isu ekeysiinayey dad wanaagsan oo Soomaaliyi ku khaldan tahay..

Waxaa waalidiinta laga rabaa in aanay hal dollar madaxfurasho ah ka bixinin Caruurtooda, waayo waa laga gardaran yahay, caruurtooduna waxay u xiran yihiin halgankii iyo rabitaankii shacabka, wadajirka muslimiinta ee waajibka ah iyo Soomaalinimadda, wiilkii ama gabadhii ay dilaan waa shihiid, kii ay Maleeshiyada ka dilaana waa daalin dad islaam ah ku soo dulay oo naftooda, maalkooda iyo cirdigaaoda duulaan ku ah, aakhiro meel fiican kuma, ifkana si dhaqso ah bay u jabi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here