LAASCAANOOD: XASUUQII OO SOCDA, ISGAARSIINTII, ZAADKII, BIYIHII IYO CUNTADDII OO GO’AN

snmout2

Waxaa Magaalada Laascaanood ka socda kacdoonkii shacabku ay kaga soo horjeedeen Jamhadda SNM, waxay shacabka u adeegsanayaan hubka tiknikadda ee lidka diyaarada.

Magaaladu waa xiranta tahay oo ma jirto meherad furan, Waxaa laga jaray Isgaarsiin, gaar ahaan Internet si aan Xasuuqa loo baahin, adeegyadii wax lagu kala iibsan jiray ayaa iyana marar qaarkood hawadda laga saarayaa, Maleeshadda SNM waxay taagan yihiin wadooyinkii booyadaha biyuhu magaalada ka soo geli jireen oo u diideen inay Magaalada soo galaan, waxaa iyana duleedka magaalada lagu celinaya gaadiidkii xamuulka ee magaalada cuntadda iyo maceeshada u sida, korontada ayaa la jaray.

Maleeshadda SNM ee uu hogaamiyo Gacanku-dhiigle Muuse Biixi waxay ku kaceen bililiqo goos goos ah, waxay dariiqyada iyo meelaha miyiga ka gurteen dhalinyaro, kuwaas oo ay burco iyo Hargeysa u qaateen, waxay muujiyeen xumaan iyo cadaawad kasta oo biniaadam ku kaco.

Shacabka Goboladda SSC ayaa wacad ku maray inay ciid kaga shubaan riyadda beenta ah ee gooni-u-goosadka, islamarkaana ay ku khasbi doonaan wadajirka Soomaalida iyo muslimka.

GUUL IYO GOBANIMO SSC

#SSCGENOCIDE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here