LIXDA CIYAARYAHAN EE KUBADA CAGTA UGU MUSHAHAR BADAN

Kylian Mbappe


Shaki kama taagna in kubadda cagta ay tahay sportiga ugu caansan adduunka islamarkana si wayn loo daawado.

Waxaa lagu qiyaasaa in ay gaaraan in ka badan 3.5 bilyan taageerayaasha kubadda cagta. Ciyaaraha Cricket oo kalainta labaad soo gala ayaa ku soo dhaw dhanka tageerada waxayna gaareysaa 2.5 bilyan.

Caannimada weyn waxay sidoo kale sidataa mushahar badan. Tiradu waa mid sare u sii kacaysa umana muuqato mid hoos u sii dhaceysa.

Waxaan halkan ku eegi doonaa shan ciyaarhan oo kubadda cagta ugu mushaarka baran.

Ronaldo

1. CRISTIANO RONALDO (AL NASSR) – £173 sanadkii

In ka badan 20 sano oo xirfad ciyaareed ah, Ronaldo ayaa noqday ninkii ugu horeeyay ee gool ka dhaliya shan koob adduun. Markaa malaha wax la yaab leh maaha in uu kaalinta kowaad ka galo liiska ciyaartoyda kubbada cagta aduunka ugu mushaarka badan.

Dib ugu soo laabashadii xagaagii 2021, waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu mushaharka badnaa taariikhda Premier League England markii uu heshiis laba sano ah u saxiixay kooxdiisii ​​hore ee Manchester United. Laakiin dhammaanteen waan ognahay sida ay taasi ku dhamaatay.

Dhawaan markii uu ku biiray kooxda Al Nassr – taasoo oo keentay in kooxdan sacuudiyaanka ah ay lacag badan ku faraqdo Ronaldo, waxaana la sheegay in sanadkii uu kasbado lacag dhan $200 milyan.

Karim Benzema

2. KARIM BENZEMA (AL-ITTIHAD) – £172 MILLION sanadkii

Intii uu u dheelayay Real Madrid, Karim Benzema waxa uu si lama filaan ah ugu ciyaaray si la mid ah Ronaldo, waxaana ciyaaryahankan aad uu u soo jiitay taageerayaal badan.

Garoonka dhexdiisa, Benzema ayaa laga yaabaa inuu guulo badan gaaro – kaliya ma ahan weeraryahanka Faransiiska oo seddex sano ka yar Ronaldo, naadigiisa Al-Ittihad ayaa ah kooxda heysata horyaalka Sacuudiga. Runtii Al-Itixaad waxaa lagu tiriyaa kooxda ugu guulaha badan taariikhda Sacuudiga.

Al-Itixaad ayaa Benzema ku bixisa lacag dhan $222m oo doollar sanadkii si ay kooxdu natiijo wanaagsan u hesho.

KYLIAN MBAPPE

3. KYLIAN MBAPPE (PSG) – £100 MILLION /Sanadkii

Kylian Mbapp ayaa waxaa loo arkaa in uu ahaa mid si wayn u soo baxay.

waxaa uuna sidaasi ku noqday saddex ka mid ah afarta xiddig ee ugu mushaharka badan kubbada cagta iyo si gaar ah kooxdiisa PSG.

Inkasta oo uu si joogta ah u sheego inuu doonayo inuu u ciyaaro Real Madrid, Mbappe ayaa door-biday inuusan ku biirin kooxda reer Spain, taa beddelkeedana mustaqbalkiisa u hibeeyey Paris .

Waxaa uu sanadkii qaataa Mbappe – £100 milyan oo Yuuro.

 N'Golo Kante

4. N’GOLO KANTE (AL ITTIHAD) – £86 milyan/ Sanadkii

In yar ayaa maqashay N’Golo Kante markii daafaca dhexe ee Faransiiska uu la soo saxiixday Leicester City 2015.

Taasi waxay isla markiiba u bedeshay Kante mid ka mid ah ciyaartoydii furaha u ahaa ku guulaysiga horyaalka ee ugu cajiibsan waqtiyada casriga ah.

Lacag badan ka dib waxaa uu u dhaqaaqay Chelsea, iyadoo Kante uu qaaday horyaal kale oo Premier League ah iyo Champions League 2021. Waxa uu sidoo kale Koobka Adduunka kula guuleystay France 2018.

Hadda oo uu ku jira da’da 30-meeyadii, Kante waa ciyaaryahan kale oo lacago badan ka soo xareeyay Saudi Arabia – isagoo kula biiray saaxiibkiis reer France ee Benzema kooxda Al-Ittihad.

N’Golo Kante waxaa uu sanadkii qaataa lacag dhan 86 milyan.

Neymar

5. NEYMAR JR (PSG) – £53 MILLION/Sanadkii

Waxaa kaalinta shanaad ku jira ciyaaryahanada kubadda cagta ugu mushaarka badan Neymar oo u dhashay dalka Brazil.

Neymar oo al sheegay in ay saaxibo dhaw yihiin Messi waxaa uu qandaras la saxiixday kooxda PSG xagaagii 2021.

Xiddiga reer Brazil ayaa daacad u ahaan doona kooxda ka dhisan Paris ilaa xagaaga 2025 – wuxuuna heli doonaa $36.5 milyan sanadkii.

Neymar ayaa si joogta ah uga mid ahaa shanta ama tobanka ciyaaryahan ee ugu sareysa adduunka tobankii sano ee la soo dhaafay.

Messi

6. LIONEL MESSI (INTER MIAMI) – £42 MILLION / Sanadkii

Lionel Messi ayaa la dhihi karaa waa ciyaaryahanka ugu fiican kubada cagta taariikhda, islamarkaana dabcan mushaarkiisa ayaa ka tarjumaya heerka uu joogo.

Si kastaba ha ahaatee Messi ayaa mushaar dhimis ka qaatay heshiiskiisa weyn ee PSG markii uu u dhaqaaqay MLS iyo Inter Miami.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here