Elon Musk ayaa Khamiistii noqday mulkiilaha cusub ee Twitter-ka.
Musk oo ah ninka ugu taajirsan dunida ayaa $44-bilyan ku iibsaday shirkaddan sida ay qortay warbaahinta Maraykanka.
“Uma iibsan Twitterka inaan lacag badan ka sameeyo. Waxaan isku dayayaa in aan caawiyo bini’aadamka oo aan jeclahay” ayuu yiri Elon Musk.
Musk ayaa isla markiibaa shaqada ka eryay Madaxii Fulinta ee Twitter Parag Agrawal, Madaxa Maaliyadda Ned Segal iyo madaxa arrimaha sharciga iyo siyaasadda Vijaya Gadde.