Laascaanood,18 October 2023:- Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu si dhaw ula socdaa dhaqdhaqaaqyada dagaal iyo ficillada colaadeed ee ka imaanaya maamulka Soomalilaan kuwaas oo ku hawlan in ay colaad qabiil iyo dagaal beeleedyo ka abaabuulaan dhulka miyiga ah.
Maamulku wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, in Muuse Biixi uu Taariikh 14-kii October 2023 ku baaqay inuu abaabulayo dagaal beeleedyo, isagoona ballanqaaday inuu colaad ka hurin doona deegaannada oodwadaagta laga yahay ee u dhexaysa Ceerigaabo illaa deegannada hoos yimaada Buuhoodle.
Haddaba, Maamulka SSC-Khaatumo isaga oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda ka saaran shacabkiisa iyo deegaankiisa wuxuu caddaynayaa in uu si dhab ah u qaadanayo colaad hurinta ay Soomaalilaan waddo si dhawna uu ula socdo dhaqdhaqaaq kasta oo ay Soomaalilaan damacsan tahay.
Sidoo kale Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ogaysiinayaa Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha derisyadooda, islamarkaana aannu u hoggaan samayno xeerarka caalamiga ah iyo qarraaradii Golaha Ammaanka Qaramada midoobay.
Ugu dambayn, Maamulka SSC-Khaatumo waxay hoosta ka xarriiqayaan in ay u diyaarsanyihiin difaaca iyo ilaalinta nafta, dhulka iyo sharafta deegaannada SSC-Khaatumo oo dhan, daandaansi kasta oo ka yimaadda Muuse Biixina ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin, kuwaasoo uu masuuliyaddeeda qaadayo Muuse Biixi iyo kooxdiisu.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Maamulka SSC-Khaatumo
Email: Info@ssckhaatumo.so