Maayirka degmada Xuddun ee gobolka Sool oo muddooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Hargeysa ayaa gebi ahaanba ka soo goostay maamulkaas.
Maayirka Xuddun oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac Xirsi ayaa sida la xaqiijinayo u baxsaday dhinaca maamulka SSC-Khaatumo.
Mas’uulkan ayaa sheegay in uu la dareen noqday dadka iyo degaankiisa oo dagaal kula jira ciidamada Somaliland.
Wararka ayaa sheegaya in isla maanta soo dhawayn loo samaynayo waxaana la sugaya in uu warbaahinta la hadlo.