Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis.
Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.
Kulanka Labada Hoggaamiye ayaa lagu lafa guray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, xasilloonida gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan labada shacab ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.