Horaantii bishaan, ururka OPEC Plus, oo ah urur ay ku mideysan yihiin dalalka soo saara saliidda, una iib geeya dibadda, ayaa go’aansaday in ay dhimaan wax soo saarka saliidda labo milyan oo barmiil maalintii.
Go’aankan Sucuudiga ka soo baxay awgeed, ayaa waxaa kor u kacay qiimaha saliidda caalamka.
Maamulka Biden ee Mareykanka, wax badan ayuu isku dayey inuu wax ka badalo mawqifkani, laakiin Sucuudigu dheg uma dhigin.
Waxaa jira doorashooyin ka dhacaya Mareykanka bishii dambe ee Nofembar, iyadoo go’aanka Sacuudiga uu ka careysiinayo hoggaanka Mareykanka.
Mareykanka ayaa sheegay in go’aankan Sacuudiga uu caawin doono Ruushka. Ruushka, sidoo kale waa waddan xubin ka ah OPEC Plus.
Hoggaamiyaha aqalka Senatka Maraykanka, Chuck Schumer, ayaa sheegay in shacabka Mareykanka ay xasuusan doonaan waxa uu Sacuudigu ku kacay xummaan iyo samaanba muddo dheer.
Sida lagu sheegay warbixinta Axios, sarkaal ka tirsan waddan Carbeed, ayaa sheegay in cadaadiska Sacuudiga uu yahay mid aad u baaxad weyn. Sarkaal Mareykan ah, ayaa isna sheegay in Sacuudigu ay ku cadaadiyeen dalalka Carabta inay soo saaraan bayaan.
Dowladda ayaa isku dayaysa iney u dhigto go’aankeedu mid ah dhaqaale, oo aanay ahayn mid siyaasadeed.
Cadaadiska Sacuudiga ka dib, dalalka Ciraaq, Kuwait, Bahrain, UAE, Algeria, Oman, Sudan, Morocco iyo Masar, ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen in go’aanka lagu dhimayo wax soo saarka saliidda uu helay oggolaanshaha wadan waliba.
Xitaa Urdun ayaa soo saartay bayaan, waxayna sheegtay in Sacuudi Carabiya iyo Ameerika ay iyaga ka wada hadlaan, oo ay xaliyaan xiisadda ka dhex aloosan.
Xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka, ayaa ka dhex jira caro weyn, oo ay sabab u tahay mowqifka Sacuudiga.
Senator Bernie Sanders, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa si kulul u beegsaday Sacuudiga, wareysi uu siiyay saxafiga caanka ah ee Mehdi Hassan, ee ka hawlgala telefishinka MSNBC.