MAREYKANKA OO KA HADLAY XASUUQA LAASCAANOOD KA SOCDA

US embassay

Safaaradda Mareykanka oo war ka soo saartay xasuuqa Maleeshiyada gooni-u-goosata ee gacan-ku-dhiigle Muuse Biixi Cabdi hogaamiyo ka wado Magaalada Laascaanood

Xarunta Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa war kooban ka soo saartay bannaanbaxyada iyo xasuuqa ay maleeshiyadu wado, waxaana lagu yiri.

“Wararka ku saabsan rabshadaha Laascaanood, waxaan codkeena ku biirinaynaa dadka ku baaqaya in xaaladda la dejiyo.” Ayaa lagu sheegay warka Safaaradda Mareykanka.

qoraalka ayaa ku daray “Nabadda iyo kala dambaynta waa in la ilaaliyo, lagana dhowrsado dagaal lagu waxyeeleynayo shacabka iyo burburinta hantida.”

Kacdoonka lagu diidan yahay Maamulka Somaliland, iyo dilalka qorsheysan maleesiyada Muuse Biixi u geystaan haldoor ayaa gelaya habeenkii 7aad, waxaana mudadii uu socday lagu xasuuqay shacab farabadan.

Xasuuqan ayaa u muuqday in Urur SNM uu kaga aargoosanayo ciilkii iyo cadaawadii uu Soomaalida u qaban, kadib markii ay xaqiiqsadeen inaan caalamku hal beel ah Dawlad u aqoonsan karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here