MAREYKANKA OO TAIWAN KA IIBINAYA HUB KU KACAYA 1.1 BILYAN OO DOLLAR

usa vs china army

Mareykanka ayaa ogolaaday inuu Taiwan ka iibiyo hub ku kacaya 1.1 bilyan oo doolar , taasoo ka careysiisay Shiinaha.

Heshiiska hubka waxaa ka mid ah, nidaamka raadaarka si loola socdo weerarrada soo socda iyo aaladaha ka hortagga gantaallada laga soo rido maraakiibta.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay bishii hore noqotay mas’uulkii ugu sareeyay ee Mareykanka muddo 25 sano ah oo booqda Taipei.

Safaaradda Shiinaha ee Washington ayaa ugu baaqday Mareykanka inuu ka noqdo heshiiska haddii kale uu wajihi doono “tallaabooyin liddi ku ah”.

Afhayeen Liu Pengyu ayaa sheegay in heshiiska uu “si weyn u carqaladeynayo” xiriirka Washington iyo Beijing.

“Shiinuhu wuxuu qaadi doonaa tallaabooyin tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee dhanka sharciga ah,” ayuu raaciyay.

Iibka hubka ee Maraykanka ee lagu heshiiyey Jimcihii ayaa weli u baahan in uu u codeeyo Kongareeska Maraykanka ee aadka u taageersan Taiwan.

Xirmadan hubka ayaa waxaa ku jira nidaamka digniinta raadaarka oo uu ku baxayo kharash dhan 655 malyan oo doolar oo loogu talagalay 60 gantaal oo ah nooca loo yaqaan Harpoon, kuwaas oo awood u leh inay dejiyaan maraakiibta.

Waxaa sidoo kale ka mid ah  nidaamka Sidewinder ee ka hortaga gantaalada inta ay hawada ku jiraan kaas oo ay ku baxayso kaas oo ay ku baxayso lacag dhan 85.6 malyan oo doolar, sida ay sheegtay Hay’adda Iskaashiga Amniga Difaaca ee Pentagon-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here