MAXKAMADDA SARE EE KENYA OO BILOWDAY DHEGAYSIGA DACWADAHA DOORASHADA

kenya election2

Siyaasiga dalka Kenya Raila Odinga, ayaa maxkamada ugu sareyso u gudbiyay dacwad ka dhan ah natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhawaan ay guddiga doorashada dalkaasi ku dhawaaqeen.

Odinga ayaa aaday maxakamadda isaga oo diiday guusha Madaxweynihi Hore Willian Ruto uu ka gaaray doorashadi dhacday 9-kii August isaga oo helay 50.55 halka Odinga uu helay 48.8%.

Kiiska Mr Odinga ayaa waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah todobada xubnood ee doorashada oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera ay qaadeen tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku diideen natiijada.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa laashay guushii uu madaxweyne Uhuru Kenyata uu ka gaaray doorashadi 2017-kii, waxayna amar ku bixisay in doorashada markale la qabto.

Odinga ayaa markaa qaadacay ka qaybgalka doorashada cusub isaga oo sheegay inuu jirin nidaam sahlayo in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

14 casho gudahood ayaa maxkamadda laga rabaa inay goaan ku gaarto.

Dhegayso BBCSOMALI oo cadeymaha uu maxkammada u gudbiyay ka wareysatay Suleyman Bashiir oo ah qareen ka howlgalla Maxkammada Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here