Xisbiyadda Mucaaridka ee Somaliland ee waqtigooda maalmaha koobani ka harsan yihiin, ayaa 13 bishan ku dhawaaqay falal iyo habdhaqan aan Somaliland horey looga baran, kuwaas oo ay doonayeen inay ku burburiyaan xukunka, Dawladnimadda, kala dambeynta iyo Dimoqraadiyadda Somaliland ka taabo gashay.
Waxay bilaabeen Kicin shacab, waxay ku dhowaaqeen in aanay aqoonsaneyn Madaxweynihii iyo Xukuumaddi dalka, waxay diideen awoodii Dastuuriga ahayd ee Golaha Guurtida, sidoo kale waxay Beesha Caalamka ka codsadeen in deeqaha iyo la macaamilka Somaliland laga joojiyo.
QARAN-DUMISNIMADAAS WEYN KADIB MAXAA LA GUDBOON HAYADAHA DAWLADDA EE SOMALILAAND SI AAN MAR DAMBE FALKAN LOOGU KICIN?.
Maadaama uu Qaranku dhibane yahay waxaa ugu horeeya ee waajibka ahi:
- Waa in aan loo ogolaan ama laga qaado shahaadada Ururnimadda ee u ogolaanaysa inay Xisbinimo u tartamaan.
- Waa in laga joojiyo lacagtii kharashaadka ahayd ee Qaranku siin jiray.
- Waa in la qiimeeyo wixii dhib, khasaare ama dembiya ee falkoodii ka dhashay, kadib loo maro sharciga ku haboon.
TALAABOOYINKAN AYAA LOO BAAHAN YAHAY INAY MEEL UGA SOO WADAJEESTAAN, DAWLADDA, URURADDA SIYAASADA IYO SHACABKUBA, SI AY DHIDIBADDA UGU ADKEEYAAN DAWLADNIMADDA.