MUUSE BIIXI HADDUU SHIMBIRRO KA BAQAYO HADHUUDH MA BEERTEEN

caddegude cirro faysal

Nin beeraley ah oo hadhuudh beertay ayaa dadkii degaanku u yimaadeen oo ku yiraahdeen war meesha Shimbirro ayaa ku badane maxaad hadhuudhka u beeratay? ninkii baa ugu jawaabay hal hays caan noqday (HADAAN SHIMBIRRO KA BAQAYO HADHUUDH MA BEERTEEN), Muuse Biixi Cabdi haduu Xisbiyadda, Gudigga iyo Garxajisba wax iskaga tirinayo Ururadda Ma fureen oo doorashadda ma diideen.

Dadka hogaamiya Beesha Somaliland ugu degaanka iyo tiradda badan waa shimbirro si xun looga adkaaday, waxa keliya oo samatabixin karaa waa dhalinyaro sidii Reer Sool taladda la wareegta oo qof walba khasabta, kuwaas oo beesha ka horleexiya Madaxda Labadda Xisbi, gudigga Garxajis ee Suldhaan Cadde Gude iyo kuwa jin dagaagay loo bixiyey oo ganacsatadu ugu horeeyaan ee Muuse Biixi ku shaqeysto, dabadeedna raaca dariiqa Reer SSC.

Waxaa ilaahay mahadiis ah Jamaahiirta SSC ee rajiimka Muuse ka adkaatay oo haddii aanay maanta dagaal kula jirin Cabdiraxmaan Cirro, Faysal C Waraabe iyo Gudigga Cadde Gudde waxay la jaar noqon lahaayeen Wariyad Bushaaro Baanday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here