Maxay tahay Sirta ka dambeysa Ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka Laascaanood ee Goojacade oo caadeystay inay subax walba iska dhigaan inay weerar soo qaadayaan, laakiin markii xabado lagu rido dib ugu laabta xeryahooda?
Si naloo xaqiijiyey falkan labo ujeedo ayey ka leeyihiin, tan kowaad dagaaladdii hore ayaa ciidamaddii iyo saraakiishii hogaaminaysay Ciidamadda Somaliland ku wiiqmeen, sidaasdarteed waxay doonayaan intii Jamaahiirtu soo weerari lahayd inay difaac galaan, ilaa intay ka diyaargaroobayaan oo bisha Ramadaana dhamaanayso, abaabulka ciidan beeleedyadda ayey sugayaan.
Qodobka labaad ee naloo xaqiijiyey waa Muuse Biixi oo ka quustay inuu si fudud Laascaanood dib ugu qabsado, ayaa goaansaday inuu ku itaallo sii joogitaanka GOOJACADE, wuxuuna qorsheynayaa inuu qaado hal weerar oo gaadmo oo uu waxyeello weyn ku gaarsiiyo Ciidamadda SSC si uu weerarkooda uga hortago, mudo dheerna abaabulka kale ku qaato, waana sababta ay maalin walba intay duulaan iska dhigaan ay dib ugu laabanayaan, waxay doonayaan in Ciidamadda Jamaahiirtu isdhigtaan oo yiraahdaan waa waxoodii, dabadeedna ay weerar balaadhan maalin soo qaadaan, qorshahani waa xaqiiqo ay isla qaateen Muuse iyo Taliyaashiisu, Jamaahiirtu waa inay u diyaargaroobaan.
Ciidamadda Xaq u dirirka SSC waxaa looga baahnaa inay isku daraan adkeynta difaacyadda Aagaga iyo islamarkaana ay hal Aag oo Ciidamadda Somaliland ugu jilicsan yihiin ay maalin walba weerar iyo arbush ku sameeyaan si digaargarowga iyo nasashaduba uga khalkhalaan. Ogaada maalin walba oo aan xabadi dhicini waa faaiidada Maamulka naflacaariga ah ee Muuse Biixi, halka baxadu tahay Guusha SSC.