Waxaa jirtay maahmaah tiraahda “LABAATAN JIR MUDUG JOOGA ILAAHAY UMA XILQARIN”, maanta waxaa la mid ah Masuuliyiinta, siyaasiyiinta, Isimadda iyo waxgaradka HARTI. Nin walba waxaa lagu qiimeyn doonaa kaalinta uu ka qaato dhameystirka Halganka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn. Maadaama weli Puntland lawada leeyahay, waxaa Reer SSC balanqaadayaan in aanay u sinaan doonin musharax halganka laf dhabar u noqday iyo mid iyadoo xabadu dhacayso Ciidamadiisa la baxay, dhabarjebiyey ama aan waxba ka geysan oo qurbaha ka soo orday, ma heli doonaan codka 17 xildhibaan, maanta SSC waa mideysan tahay codkana midnimo ayey ku bixinayaan.
MASUULIYIINTA HARTIYOW SSC MA KALA XIGTAAN EE IDINKAA ISKALA XIGSIIN DOONA, waxaan Madaxweyne Siciid Cabdilaahi Deni ugu baaqaynaa inuu balanqaadkiisii fuliyo oo uu 48 saac gudahood ku soo diro gurmadkiisii si uu dadka kale horaan-qaad ugu noqdo, waxaan Siyaasiyiinta Mucaaridka ugu bishaaraynaynaa hadaad halganka ka qayb noqon weydaan 8 January 2024 codka Reer SSC iyo Harti toona heli maysaan, Waxaan shacabka SSC ugu baaqayaa in aanay waqtigan ku dhex milmin Siyaasada doorashada ee Puntland ka socota, oo codkooda iyo taageeradooda la sugaan abaalmarinta siyaasiga Halganka SSC nafta iyo maalka u huray.
Waxaan Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash kula talinayaa inuu sii xoojiyo kaalinta fiican ee uu kaga jiro halgan SSC, macno kuu sameynmeyso inaan la kala safato siyaasiyiinta Majeerteen ee kursiga kala riixanaysa, mudo xileedkii Puntland 6 bilood baa ka haray ee xoreynta degaamadaada ku mashquul, taariikh baa qormaysa, Cabdirisaaq Khaliif kursigiisii gobanimada iyo dadkiisa ayuu uga tegay, wuxuu helay sharaf caruurtiisa anfaci doonta, Reer SSC waa u abaalgudi doonaan, haddii horgalnimo wax tarayso Raaskiisa ayaa ugu horgal badnaa, subax bay yar iyo weyn gobanimo iyo sharaf ka doorteen oo xabadda cadowga ku jeediyeen dhiigoodiina hureen, Axmedow maanta waa la kala baxayaaye waqti kuu haray waxaad taariikhda ku gashid shaqeyso.
Waxaa Mahadcelin mudan dhamaan Hiil Walaal, Ninka iyadoo Xabadu socoto dhufayska dagaalka ka baxay sidii Jimcaale dib dambe loo aamini maayo, mana ku soo noqonayo, taariikh xun buu galayaa, wuxuuna la mid yahay Horgallada hoogay ee Hargeysa ku sugan oo habeen walba jamaahiirta la soo hadlaya oo lacagta yar u soo diraya oo dhahaya dagaalka ka baxa ama wax xun oo isku dirka SSC ka qora.