Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali iyo Gudoomiye Xirsi Cali Xasan ayaa ah labada siyaasi ee kaalinta 1aad iyo 2aad isugu jira, dhinaca taariikh aanay lahayn oo la sheegto, labadoodaba waxaa caado u ah inay sheegtaan sheeko ay dad ka maqleen oo waxa dadka degaankaasi jecel yihiin ku saabsan.
GUDOOMIYE XIRSI:
Xirsi wuxuu sheegtaa inuu dagaalo goobjoog ka ahaa, Taangi jiidhay, inuu dhintay la mooday, soo noolaaday, sidaasdarteed uu yahay MUJAAHID, oo ah derajada ugu sareysa ee Somaliland laga bixiyo, laakiin arintu saas maaha, taariikhdiisa dhabta ah oo kooban waa, inuu ahaa cunug nolol adag ku nool, dabadeed Dhahabshiil Group oo qaraabo la ah ilaahay u bixiyey, dadaal dheer kadib Madaxweyne Siilaanyo gacan qabtay, wuxuu noqday GACAN-KU-DHIIGLE XASUUQ dad reer baadiye ah ugu geystay degaanka KALSHAALE, hadana Cabdiraxmaan Cirro Xisbiga Waddani KA DUMAALAY oo weli raadinayo musuqmaasuqii uu dawladii Silaanyo ku bartay.
WASIIR SALEEBAAN:
Wasiir Saleebaan wuxuu sheegtaa inuu ka qayb galay shirarkii, nabadeyntii iyo dhismihii Somaliland, taasoo ah derajada kowaad ee dadka aan Isaaqa ahayni ku faanaan, laakiin sheegashadaasi waxba kama jiraan, wuxuu ahaa saraakiishii iyagoo aan kuuliyadda dhameysan loo qaaday dagaaladii waqooyi, wuxuu ahaa askarta aan isku kalsoonayn ee saraakiisha ka sareysa iskaga dhisi jiray dhibka, dilka iyo tacadiyada loo geysan jiray dadkii KACAANKII dagaalka kula jiray, markii kacaankii burburay waxaa ku dhacay XANUUN uu ka qaaday dulmigii, tacadiyadii iyo jiingadii daaraha lagala degayey ee uu qaybta ka ahaa, XILIGII SHIRWEYNIHII 3AAD EE SOMALILAND ayaa Hargeysa loo keenay DAAWEYN, markii laysa saamaxay, oo dadkii ka samreen wixii laga biliqaytay, oo cafiyeen cidii wax u geysatayna wuu caafimaaday, dabadeedna waxaa gacan qabta Sarkaal ay qaraabo ahaayeen.
MAXAY ISAGA MID YIHIIN AMA KU KALA DUWAN YIHIIN:
Dadnimada iyo garashada ayey aad ugu kala duwan yihiin, Xirsi waa nin wuxuu qabanayo ama fekerka uu ku socdo inta badan garashadiisa ka imaanayso, laakiin Wasiir Saleebaan wuxuu eegaa waxa qofka ka sareeyaa doonayo, hadduu dareemo in Madaxweyne Muuse Biixi uu doonayo in Cirro iyo Faysal C waraabe la dilo, isagaa ugu horeynaya oo soo dilaya, ilaa kacaankii waa siduu ahaa. Dhanka ABAAL-DHACA, ISTUSKA IYO TAARIIKH XADIDA waa iskaga mid.