PUNTLAND OO MARTIGELIN DOONTA SHIR U DHEXEEYA DF IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA

xasan sheekh iyo m goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka anba-baxay Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe waxaana uu dib ugu laabtay Muqdisho.

Wadahadalladii dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday islamarkaana wax war-murtiyeed ah laga soo saarin.

Waxaase labada dhinac ku ballameen in la isu’gu yimaado shir guud oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si loo xalliyo Khilaafka jira.

Shirka oo lagu qaban doono Garoowe ayaa waxa martigelinaya Puntland sida wararku sheegayaan inkastoo aan weli la cayimin Wakhtigiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here