Adduunka ayaa wajahaya sida xaal u egyahay tobankii sano ee ugu halista badnaa tan iyo dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka sida uu ka digay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu jeediyay Khamiistii, taas oo uu ku doonayay in uu qiil ugu sameeyo duulaanka Ruushka ee Ukraine. Tallaabadaas oo dalkiisa ka dhigtay mid ku gala xaalad go’doon oo caalami ah.
Mr Putin ayaa sidoo kale ku eedeeyay reer galbeedka in ay isku deyeyaan in ay ku baqa maalaan hubka Nukliyeerka taas oo ay isku deyayaan si ay ugu qasbaan xulafada Ruushka in ay dhabarka u jeediyaan Moscow ayuu sheegay. .
Dhawaan ayay ahayd markii waddammada Reer Galbeedku ay dhalleeceeyeen, hanjabaadaha nukliyeer ee ruushku bixiniyey.
Horraantii todobaadkan isbahaysiga militariga Nato ayaa cambaareeyay sheegashada aan la hubin ee Ruushka ee ah in Ukraine ay isticmaali karto “bam sun ah” – kaas oo walxahiisa qarxa la soo raaciyey shucaaca halis ah oo saamayntiisu waarto.
Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in xubnaha isbahaysigu “ay iska fogeeyeen eedaymahaas” xilli ay dhankooda ku doodeen “in Ruushku iskudeyayo abuuridda marmarsiinyo uu ku sii xumeeyo xaalka dagaalka”.
Madaxweyne Putin ayaa ka hadlayay fagaaraha sanadlaha ah ee Valdai ka dib guuldarrooyin isdaba joog ah oo millatari oo dhawaan kaga dhacay Ukraine, halka dhanka kalena cadhada ay shacabku ka qabaan doonistiisii ku aaddanayd qoridda askar cusub oo gaadhsiisan illaa 300 oo kun ay sii baahaysay.
XIGASHO: BBCSOMALI