Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska oo is casishay kadib markay ka hor yimaadeen xubnaha xisbigeeda

uk pm Liz Truss

Liz Truss ayaa si lama filaan ah isaga casishay xilka ra’iisul wasaaraha, kadib 45 maalmood oo kaliya oo ay haysay jagadaas.

Ra’iisul wasaaraha, ayaa sheegtay in qofka bedeli doona lagu dooran doono tartanka hoggaanka, oo la dhameystiri doono toddobaadka soo socda.

Xildhibaanada ayaa waxay ku booriyeen Truss inay ka laabato waxyaabaha sababay qalalaasaha siyaasadeed, ka dib markii ay sameysay siyaasad dhaqaale oo aan meel mar ahayn.

Truss ayaa waxaa doortay xubnaha xisbiga muxaafidka ah bishii Sebtembar, laakiin waxay lumisay kalsoonida, ka dib markii ay la timid is badal fara badan.

Khudbad kooban oo ay ka jeedisay bannaanka xafiiska Downing Street, Truss ayaa waxay ku sheegtay in xisbiga Conservative-ku ay doorteen xilli jahawareer dhaqaale uu jiro.

Waxayna muujisay in aaney wax ka qaba Karin howlaha horyaalla.

Truss ayaa sheegtay inay xilka sii heyn doonto, illaa qofka badali doona uu si rasmi ah ula wareegayo hoggaanka xisbiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here