RUUSHKA OO FARIIN U DIRAY SOMALILAND, PUNTLAND IYO JUBBALAND

un security c somalia

Danjiraha Ruuskha u qaabilsan Qaramada Midoobay, Vadim Kirpichenko oo ka hadlayey kulan ay golaha ammaanka gelinkii dambe ee Arbacadii ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa farriin u diray Somaliland, Puntland iyo Jubbaland.

Vadim Kirpichenko ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha saddexdaan maamul in ay dowladda federaalka kala shaqeeyaan daadajinta nidaamka federaalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in la ilaaliyo sharafta iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan aaminsanahay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo sharafta iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu yiri danjiraha Ruushka ee Qaramada Midoobay.

Danjiraha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xukuumadda Moscow ay garab taagan tahay dowladda dhexe ee federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana ay la yeelan doonto iskaasho dhow oo wada shaqeeneed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here