RUUSHKA OO XOOG KA QAADAY CUNAQABATEYNTII REER GALBEEDKA

vladimir putin

MadaxweynahaRuushka Vladimir Putin ayaa sheegay in Ruushku uu sii wadi doona diidmada cunaqabataynta Reer galbeedka, kadib duulaankii Moscow ee Ukraine.

Hadal uu ka jeediyay shir madaxeedka Ururka Iskaashiga ee Shanghai ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee uu ka jeediyo kulan caalami ah tan iyo markii bishii hore uu kacdoonku ka dhacay Ruushka.

Mr Putin waxa uu taageeray heshiisyada ganacsi ee u dhexeeya wadamada SCO ee lacagaha maxaliga ah oo loo arko isku day lagu doonayo in lagu dabciyo cunaqabateeynta.

Mr Putin ayaa madashan u adeegsaday farriin uu u dirayo Reer Galbeedka, wuxuuna yiri “Ruushka wuxuu ka hortagayaa dhammaan cunaqabateyntan, cadaadiska iyo daandaansiga dibadda, wuxuuna sii wadaa inuu horumaro si aan horay loo arag”.

Waxa uu kassoo muuqday dhawr jeer meel fagaare ah tan iyo markii kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner ay sameeyeen gadood muddo gaaban ah dabayaaqadii bishii June, laakiin tani waxay ahayd markii ugu horeysay ee lala arko koox ka mid ah hogaamiyayaasha caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here