SANADGUURADII 1AAD EE XASUUQII DHALINYARADDA GARXAJIS IYO XUSKOODII OO LA DIIDAY

RRU jirdil

11 Ogosto 2022 waxaa inta badan Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland lagu xasuuqay dhalinyaro dimoqraadiyad doon ah oo ka soo jeedda Beelweynta Garxajis, dhalinyaradan oo sidatay siidhi (Firimbi) iyo boorar ay ku muujinayaan rabitaankooda ayaa waxaa si bareer ah loogu adeegsaday hubka darandooriga u dhaca, boqolaal qof ayaa noqday dhimasho, dhaawac iyo wax xabsiyadda loo taxaabay.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa jiray dhalinyaro hadalhayey sidii ay Magaalooyinka Somaliland ugu qaban lahaayeen banaanbaxyo lagu xusayo dhalinyaraddii sida xaqdaradda ah loo xasuuqay, balse waxaa la xaqiijinaya in Xukuumadda Muuse Biixi ku hanjabtay in aanay ogolaan doonin banaanbaxyo laga dhigo Magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Ceerigaabo, haddii laysku dayona ay dhalin doonto khasaare ka daran kii 11.08.2022.

Ugu dambeyn waxaa la xaqiijiyey in aanu jiri doonin wax banaanbax ah oo lagu xusayo shacabkii sida xaqdaradda ah loo xasuuqay, inkasta oo Beesha Garxajis leedahay degaano iyo cudud ay wax kaga bedesho dulmiga iyo cadaalad daradda Somaliland ka jirta, ishortaaganina wuxuu muujinayaa in Jamaahiirta Beelweynta Garxajis aanay u bislaan sidii Jamaahiirta SSC, taasoo wiiqaysa midnimadooda, muruqooda iyo maalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here