Meta, oo iska leh Facebook, Instagram iyo WhatsApp, ayaa shaacisay in ay dhimayso 13% shaqaalaheeda.
Shaqo ka eryiddaan oo ah tii ugu horreysay ee taariikhda shirkadda ayaa keeni doonta in 11,000 oo shaqaale ah ay waayaan shaqooyinkoodii.
Madaxa fulinta ee Meta ayaa mar uu ka hadlayay shaqaale dhimistan waxaa uu yiri ” waa isbeddelkii ugu adkaa ee aan sameynay taariikhda Meta”.
Arrintaan ayaa daba socota, tallaabooyin shaqo joojin ah oo waaweyn oo ka dhacay shirkadda Twitter-ka.