SOMALILAND OO AY KA BILAABAN DOONTO DIIWAANGELINTA CODBIXIYEYAASHA

Komishinka Doorashada SL

Guddiga Doorashooyinka ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa shaaciyay waqtiga ay billaabi doonaan diiwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka madaxtinimada iyo midda axsaabta.

Guddigu waxa uu sheegay in diiwaangelintan ay diiradda ku saari doonaan dadka qaangaaray kaddib diiwaangelintii hore, kuwa aan horey isu diiwaangelin iyo in kaararka codbixinta la siiiyey iyo dadka hore loo siiyay shahaadooyinka.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland Cabdicasiis Xirsi Warsame, oo BBC u warramay wuxuu sheegay taariikhdu marka ay tahay 2022-ka ee bisha December dhammaan lixda Gobol ee Somaliland si isku mid ah ay ku billaaban doonto diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada.

Afhayeenka waxaa kale uu sheegay wajiga koobaad inuu ka socon doono 15 maalmood wajiga labaadna 23 degma doorasha iyo goobaha xuduudaha ku yaallana ay ka sii socon doonto 15 cisho oo kale.

Go’aanka guddiga uu ka dhawaajiyey ee ku saabsan wakhtihga ay diiwaan gelintu dhaeysana waa mid aan kala tashannay xisbiyada mucaaradka ayna ogyihiin, ” ayuu yiri Cabdicasiis Xirsi Warsame.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here