SOMALILAND OO BARAHA BULSHADA KA ABAABUSHAY DHALINYARO SSC ISKA DHIGA

Facebook

Maamulka Somaliland ee ku guuldareystay dagaalka Gobolka Sool iyo Siyaasadda Caalamka ayaa hadda waxqabadkii ku soo ururay inay Baraha Bulshadda ka abaabulaan kumaan dhalinyaro ah oo iska dhiga Jamaahiirta SSC, kuwaas oo loo xilsaaray inay baraha Bulshadda ku faafiyaan qoraallo isku dir ka dhex abuuri kara shacabka SSC ama beelaha kale aflagaadeeya.

Sidoo kale waxaa bilihii ugu dambeeyey dhaqaale xoogan lagu bixiyey la xiriirka dhalinyaro badan oo degaamada SSC ka soo jeeda kuwaas oo HOOS-GALLO noqday oo faafiya kala qaybinta SSC iyo Hiil walaal.

Ficiladan oo aan baxba u dhimayn halganka SSC ayaa muujinaya itaalxummadda iyo aragti gaabnimadda Maamulka Somaliland oo waxqabadkiisii noqday been Baraha Bulshadda lagu faafiyo. Shacabka SSC iyo umadda Soomaaliyeed waxaan ku wargelinaysaa inay la socdaan dadka iska dhigaya inay ka soo jeedaan SSC-Khaatumo ay yihiin rafadkii ugu dambeeyey ee taliska Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here