Magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa ku nool Soomaalida ugu badan marka laga reebo Soomaaliya. Hadda markii ugu horeysay magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis–Saint Paul waxay heleen weriye Soomaali-Maraykan ah oo ka soo waranta xarun TV maxalli ah.
Ubax Cali waxay war soo tabiye u tahay talefishinka WCCO oo ku yaalla Minneapolis–Saint Paul, gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Ubax Ali, oo 25 jir ah, waa weriyihii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ka soo waranta magaaloyinka mataanaha ah iyo gabadhii 3-aad ee Ameerika oo dhan ee xirta xijaabka marka ay hawada ku jiraan.
Ubah oo wareysi siineysay warbaahinta MPR News ayaa tiri”Markii aan u sheegay hooyaday in aan aadayo St. Cloud si aan u sii wado saxaafadda, kaliya ayay madaxa ruxday, oo waxay ti tiri hooyo, ma jiro qof kula mid ah TV-ga Mareykanka ka shaqeeya. Oo waxaan ku iri, waan ogahay, laakiin arrimuhu way isbedelaan, oo waxaan u socdaa in aan riyadeyda ka dhabeeyo . Wax kale oo aan ku fiicanahay ma jiraan. Tani waa waxa aan ku fiicanahay. Waxayna ii ogolaatay inaan riyadeyda ka rumeeyo . Qoyskaygu waxay had iyo jeer igu taageri doonaan in aan riyooyinkeyga ka rumeeyo.”