TAIWAN OO MARKII UGU HOREYSAY RASAASAYSAY DIYAARADAHA DRONES-KA EE SHIINAHA

China Navy

Militeriga Taiwan ayaa markii ugu horreysay rasaas digniin ah u furay si ay dib ugu celiyaan diyaaradaha uusan duuliyaha saarnayn ee Shiinaha, kuwaasoo duullimaadyo ka sameynayay hawada jasiiradaheeda duleedka ah ee ku dhow Shiinaha.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Taiwan ayaa sheegtay in saddex diyaaradood oo nooca drones-ka ah lagu khasbay in ay dib ugu duulaan dhinaca dhul-weynaha Shiinaha.

Xukuumadda Taipei ayaa isbuucyadii la soo dhaafay ka cabaneysay diyaaradaha drones-ka Shiinaha ee ku duulayay agagaarka jasiiradaheeda ku dhow Shiinaha, xilli ay jirto xiisad u dhaxeysa labada dhinac.

Xiisadda ayaa weli kacsan wixii ka dambeeyay markii ay horraantii bishan Taiwan booqatay siyaasiyadda Mareykanka ah ee lagu magacaabo Nancy Pelosi, oo ah afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Mas’uuliyiinta Taiwan ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn uu batay tan iyo markii Shiinaha uu sameeyay howlgallo militeri oo aad u culus oo uu uga jawaabayay booqashadii Pelosi.

Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ayaa howlgallada diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ku tilmaantay “ficil dagaal”.

Taliska Difaaca ee Jasiiradaha Kinmen ayaa sheegay in gelinkii dambe ee Talaadadii la arkay saddex diyaaradaha drones-ka rayidka ah oo dul wareegaya jasiiradaha Dadan, Erdan iyo Shiyu oo la isku dhaho “Kinmen”. Jasiiradahaas ayaa dhowr kiiloo mitir oo keliya u jira magaalada Xiamen ee ku taalla gudaha Shiinaha.

Waxa ay intaas ku dareen inay holac digniin ah ku fureen diyaaradahaas kaddibna ay rasaas nool nool u adeegsadeen si ay dib ugu celiyaan. Drones-ka ayaa markii dambe u jiheystay dhinaca magaalada Xiamen.

Taiwan-China

Shiinaha weli wax jawaab ah kama uusan bixin warka ugu dambeeyay ee kasoo baxay Taiwan. Balse Xukuumadda Beijing ayaa horraantii isbuucan ku gacan seyrtay cabashada ku aaddan in diyaaradaheeda drones-ka ay dhibaato ka geystaan jasiiradahaas.

“Drones-ka Shiinaha waxay ku duulayaan hawada Shiinaha, maxaa loola yaabayaa taas?” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Zhao Lijian, oo hadlay Isniintii.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa ka carootay hadalladiisa, iyadoo sheegtay in “dadka aan la martiqaadin lagu magacaabo tuugo”.

Bartamihii bishan Agoosto waxaa baraha bulshada si wayn ugu faafay muuqaallo lasoo dusiyay oo laga duubay ciidanka Taiwan oo dhagxaan ku tuuraya drones-ka Shiinaha.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here