URURKA REJO OO KOR U SOCDA IYO WADDANI OO HOOS U DHACAYA

rejo vs waddani

Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo ifbaxaysay inay kor u socoto taageeradda Urur Siyaasadeedka REJO, islamarkaana uu hoos u dhac weyni ku yimid taageerayaashii Xisbigii Waddani oo hadda isu bedelay Urur Siyaasadeed.

Haddaba Weriyaha caanka ah ee MAXAMED JIGLAN ee ka howlgala BULSHO TV, ayaa bartiisa Facebook soo geliyey muuqaal Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo xambaarsan tacsi iyo dhaliisha Xukuumadda, Muqaalkaas ayaa maalintii 2aad daawadayaashiisu mareysaa 853 qof, dheeho sawirka aan idiinka soo qaadnay.

Maalin kadib weriyuhu wuxuu bartiisa soo geliyey qoraal ka soo xabay Urur Siyaasadeedka REJO oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Ururka Cabdilaahi Dahab, 24 maalintii koowaad waxaa daawaday 20 000 oo qof gaaraya. Dheeho sawirkan.

Intaas waxaa ka daran, waxaa isku maalin saxaafada ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee  Ururka REJO Cabdirisaaq Maxamed Jamac Sanweyne, Musharax Cabdiraxmaan Cirro iyo Xirsi Xaaji Cali, waxaa muuqaaladooda la soo dhigay barta uu BULSHO TV Yutube ku leeyahay.

Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka REJO waxaa Daawaday 9300 oo qof.

Gudoomiyaha Waddani waxaa daawaday 4400 oo qof.

Musharaxa Waddani waxaa Daawaday 2400 oo qof oo ka mid ah kuwii Xirsi Daawaday. Dheehe Sawirkan.

Dhacdani waxay muujinaysaa in Taageerayaashii Waddani ay Samir iyo iimaan ka qaateen, Islamarkaana ay ku wareegayaan Urur Siyaasadeedka REJO, waana sababta aanay u xiiseynin hadallada ka soo yeedhaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here