Xilli Somaliland isu diyaarinayso doorashada Ururadda isu bedeli doona 3 Xisbi Siyaasadeed ee Somaliland, ayaa waxaa jira 2 Urur oo weli ku adkeysanaya inay Xisbiyo yihiin, kuwaas oo kala ah Ururadda Waddani iyo UCID.
Dhanka kale waxaa jira mid ka mida 18 Urur Siyaasadeed oo cadeystay mowqif adag oo ka soo horjeedda sheegashadooda, kaas oo ah URUR SIYAASADEEDKA REJO.
Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Ururka REJO Cabdirisaaq Maxamed Jaamac (Sanweyne), oo beryahan saxaafadda Somaliland ka wadey wareysiyo isugu jira wacyigelin iyo mowqifkooda cadeyn, ayaa isagoo adeegsana dariiq sharciga Somaliland ku dhisan daafadeeyey dhamaan doodaha labada Urur.
Wuxuuna wareysiyo kala duwan ku yiri “Waqtigii Xisbiyada waa dhacay, Somaliland waxaa ka jira 18 Urur Siyaasadeed oo saamiga siyaasada iyo taladda u siman, ciddii tiraahda xukuumadda Somaliland ma aqoonsanin waxay la mid tahay inay Qaranka Somaliland ku soo duushay, mudo-kordhinta Madaxweynaha waxaa loo maray sife sharci ah, Ururkii ama qofkii dood ka qabaa waxay ahayd inuu ka shaqeeyo wax ka bedelka xeerka guurtida awoodda u siinaya Muddo-kordhinta, Beesha Caalamku waa inay dhowrtaa sharciga Somaliland, aqoonsataa inaan Xisbiyo jirin ee 18 urur jiraan, Maxkamadu waa u furan tahay cid kasta dawco qabta” .
Dhanka kale Ururka REJO wuxuu waddaa olole xoogan oo uu ku KASBANAYO taageerayaashii Ururadda WADDANI IYO UCID, oo maalin walba raxan-raxan ugu degelroganaya URURKA REJO, taageerayaashii Goboladda darafyadda ayey durbaba ka soo moora-duugeen, kuwaas oo todobaadkan Goboladda Somaliland ka muujinayey taageeradda muddo-kordhinta Madaxweynaha Somaliland iyo Ururka REJO.
Sikasta odayaashan Siyaasadda guul la’aanta ah ku raagey, ayaa xaalad faro-ku-gabad ah oo ay ku waayayaan taageerayaashii u cuno-duubnaa ku jira.
Hoos ka daawo ololihii REJO ee 10 casho ee ugu dambeeyey ay ka wadeen Goboladda iyo ujeedkooda.
DAAWO 3 WAREYSI EE GUDOOMIYE KUXIGEEN CABDIRISAAQ:
Wareysiga 3aad Gudoomiye Cabadirisaaq:
Wareysiga 2aad Gudoomiye Cabadirisaaq:
Wareysiga 1aad Gudoomiye Cabadirisaaq:
Gudoomiyihii Waddani ee G Sool oo ka hadlaya sababta uu REJO ugu biiray:
Ururka Rejo Xarun weyn ka furtay Hargeysa:
Bulshooyinka G. Sanaag oo taageeray Mudo-kordhinta Madaxweynaha iyo Ururka REJO
Gobolka Selal oo taageeray Mudo-kordhinta Madaxweynaha iyo Ururka REJO
Shacabka Sool oo taageeray Mudo-kordhinta Madaxweyne Muuse iyo Ururka REJO:
Taageerayaashii Ururka Waddani Gobolka Soo oo Rejo ku qulqulaya: