URURKA REJO OO U MUUQDA INUU KA HORTEGAYO CIDKASTA OO KHATAR KU AH AMNIGA IYO DOORASHOOYINKA

wadani ucid vs rejo

Xoggo rasmiya oo ay shabekadda xaysimo.com ka heshay illo xogogaal ah ayaa xaqiijinaya, in Urur Siyaasadeedka REJO, uu Madaxda Mucaaridka u arkay inay duulaan ku yihiin Amniga, shuruucda, doorashooyinka iyo Wadajirka Umadda Somaliland, sidaasdarteedna ay waajib ku tahay inay qaadaan talaabo kasta oo lagaga hortegayo inaan Somaliland dib loogu celin marxaladihii ay ka soo gudubtay, islamarkaana ay waajib tahay in loo hogaansamo shuruucda Dalka u degsan.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Ururku uu ku talo jiro isu imaanshaha dhamaan 9 -ka Urur Siyaasadeed, si ay isaga kaashadaan oo mowqif midaysan uga qaataan geedi-socodka tartanka doorashada ee 3 Xisbi qaran, si waafaqsan nidaamka doorashooyinka.

Arrintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ay ku goodiyeen in 13 November wixii dambeeya aanay aqoonsan doonin Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyagoo socdaalo kicin bulsho ah ka bilaabay qaar ka mid ah degaamadda Somaliland.

Ururka REJO oo dhowaan u gudbay Ururadda u tarmaya 3 Xisbi, ayaa hadda u muuqda inuu u diyaargaroobayo, sidii uu loolan adag ugala hortagi lahaa Xisbiyada mucaaridka, islamarkaana uu u kasban lahaa taageerayaashoodii oo uu durbaba qaybo badan ka hantiyey. Mowqifka mideysan ee ay 9-ka Urur qaataan ayaa isna soo kordhin doonta culeys weyn oo siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here