Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Urur Siyaasadeedka REJO Cabdirisaaq Maxamed Jaamac (Sanweyne) oo maanta Bulsho TV wareysi siiyey ayaa cadeeyey in wixii ka dambeeyey bishii Juun aan Somaliland wax Xisbiyo ahi ka jirin oo la wada noqday Ururo Siyaasadeed.
Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in mudo kordhintii sifo sharciya loo maray, sidaasdarteed aan Hanjabaad iyo cago-jugleyna aan waxba lagu qaadeyn.
Mar la weydiiyey siyaasiyiin sheegtay in aanay 13 November wixii ka dambeeya aanay xukuumada aqoonsanayn, ayuu sheegay in cidkasta oo arinta ku kacdaa ay Qaranka Somaliland ku soo duushay.
Daawo wareysigii Gudoomiye Xigeen Cabdirisaaq: