WAA KUMA IMAAMKII MASJIDKA AL-AQSA EE LAGU BAAQAY IN LA DILO?

imaam Masjidka al Aqsa Sheekh Cekrima Sabri

Kooxda Israa’iiliyiin ah ayaa bartooda Telegramka soo dhigay magaca imaamka Masjidka al-Aqsa, Sheekh Cekrima Sabri iyo tobanaan kale oo Falastiiniyiin ah iyaga oo ku baaqaya in la dilo.

Kanaalka Nazi Hunters 2023 wuxuu ku tilmaamay “bartilmaameedyada” inay yihiin “Naasiyiin si xor ah u socda oo aan weli la tirtirin.”

Meesha guriga Sabri ku yaal ayaa lasoo bandhigay iyagoo ku baaqaya in la weeraro. “Sabri waa mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu muhiimsan ee ciribtirka,” ayay lagu yiri qoraalka.

Falastiiniyiin kale ee lagu wadaagay kanaalkan Telegram waxaa ka mid ah, hoggaamiyeyaal diimeed, dadka siyaasadda, saxafiyiin, mas’uuliyiinta dadweynaha, qaar ka mid ah ardayda u dhaqdhaqaaqda xuquuqda Falastiin, iyo sidoo kale xubno lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Xamaas iyo dagaalyahannada Falastiiniyiinta.

Kanaalka oo ah meel qoraallada lagu dhigo Afka Cibraaniga, ayaa ku baaqaya in hay’adaha fulinta sharciga ay soo qabtaan oo ay su’aalo waydiiyaan kuwa ay ku magacaabeen qoraalkooda, lana horkeeno sharciga, iyagoo ku baaqaya in la weeraro masaajidda, jaamacadaha iyo ganacsiga.

Kanaalkan oo la sameeyay Isniintii, waa mid ka mid ah akoonada Telegram-ka kuwaas oo u muuqda inay hurinayaan rabshadaha ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Muwaadiniinta Falastiiniyiinta ee Israa’iil iyo kuwa ku nool Bariga Quddus iyo Daanta Galbeed ee la haysto ayaa sheegay in aanay jirin sharci iyaga ka ilaalinaya rabshadaha ka imanaya dadka la xoogga lagu dajiyey dhulkooda, waxaana dhaca weerarro badan oo iyaga ka dhan ah iyada oo ay joogaan ciidammada Israa’il oo indhaha ka qarsada amaba ka qayb qaata xadgudubka.

Waa kuma Sheekh Cekrima Sabri?

Sheekh Cekrima Sabri waa madaxa Golaha Sare ee Islaamka magaalada Qudus, horeyna u ahaa Muftiga weyn oo Qudus iyo Falastiin. Waxa uu weli imaam ka yahay Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, halkaas oo uu si joogto ah uga khudbeeyo.

Sheekh Cekrima Sabri aad ayaa looga ixtiraamaa Falastiin siiba aragtidiisa ku wajahan Israa’iil. Marar kala duwan ayaa laga mamnuucay inuu galo Masjidka Al-Aqsa oo la xiray dhowr jeerna waaba la xiray.

Sheekh Cekrima wuxuu qabaa fikir qayaxan oo uusan kala gaban Israa’iil. Waraysi uu bixiyay sannadkii 1999 oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Masjidka Aqsa, Sabri wuxuu ku yiri “Haddii Yahuudu ay nabad rabaan, waa inay ka fogaanayaan Al Aqsa, tani waa amar Ilaahay ka yimid, Xaramka Al-Shariif waxaa leh Muslimiinta. Laakiin annagu waxaan nahay Muslimiin. ogow Yahuuddu waxa ay qorsheynayaan in ay masjidka dumiyaan, Yuhuudana waxaa shaqadooda u qabanaya masiixiyiinta, waa dariiqa Yahuudda, waa sida Shaydaanku isu muujinayo, Yahuudda intooda badan waxa ay rabaan in ay Masjidka dumiyaan. Haddadan aankula hadlayo ayey sidaas diyaarinayaan.” Ayuu yiri.

Fikirkiisa ka dhanka ah Israa’iil ayaa ka dhigay bartilmaameed, waana taas sababta dhowr jeer loo xiray.

Markii ugu dambeysay waxaa gurigiisa lagasoo xiray sannadkii 2021, qof ka mid ah ehelkiisa oo warbaahinta la hadlay markaas ayaa sheegay in Israa’iil aysan sharxin sababta ay u xirayaan balse masuuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay inuu jeediyay hadallo xagjirnimo ah.

Sannadkii 2014-kii, ciidamada Israa’iil waxay ka mamnuuceen imaamka ka dambeeyay Sheikh Ekrima ahna muftiga weyn ee magaalada Qudus Mufti Maxamed Xuseen iyo sidoo kale dadka kale ee diinta iyo dadka caanka ah ee reer Falastiin inay galaan Masjidka Al-Aqsa, sida ay sheegtay Middle East Monitor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here