WAKIILADDA CAALAMKA OO FOGAAN ARAGGA KULA SHIRAY ISIMADDA SSC

beesha caalamka2

Wakiilada caalamiga ah oo maanta Aalada Is araga Fog kulan kula yeeshay Isimadda SSC ayaa kala hadlay, qodobada lagu jooji karro dagaalka Laascaanood.

Isimadda ayaa sheegay in aysan weerar aheyn dhankooda oo ay duljoogaan ciidan weerar ah oo cadow ku ah deegaankooda, mar kasta duqeyn iyo weerar wada, xalkuna yahay in ciidamadaas laga qaado magaalada oo la geeyo deegaanka ay ka yimaadeen ee OOG.

Wakiilada ayaa Isimadda weydiiyey in haddii ciidanka SNM lageeyo deegaano kabaxsan magaalada, ay xaaladdu hagaagi karto, balse waxay sheegeen in markasta deegaankooda duulaan lagu yahay oo aysan farqi u dhaxeeya Yagoori, AdhiCadeeye ama Laascaanood oo dhammaan ay yihiin dhulkooda.

Xubnaha ayaa dib ugu laabanaya SNM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here