Home Blog Page 10

MUSHARIXIINTA MADAXTOOYADA PUNTLAND OO MAANTA HADALKOODII JEEDIYEY

baarlamaanka puntland2

Hadal-jeedinta Musharrixiinta xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa Saaka ka socota Xarunta Baarlamanka.

11 Musharrax oo u taagan Tartanka Xilka Madaxweynaha Puntland iyo 11 Musharrax oo u tartamaya Xilka Madaxweyne ku xigeenka ayaa Saaka jeedin doona Khudbadahooda.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa shalay soo saaray Liiska Rasmiga ah ee Musharrixiinta oo ka kooban 22 Musharrax kadib markii Rag badan ka hareen Tartanka.

Doorashada Madaxtooyada Puntland oo xiisa gaar ah xambaaraan ayaa sida qorshaysan loo ballansan yahay Maalinta berri ah oo Ku beegan Isniin 8 Jannaayo 2024.

LIISKA RASMIGA AH EE MUSHARRIXIINTA MADAXTOOYADA PUNTLAND OO LA SHAACIYAY

puntland logo

Guddiga Doorashada Puntland ayaa Galabta shaaciyay Liiska Rasmiga ah ee Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay Liiska Rasmiga ah ee Musharrixiinta buuxiyay Shuruudaha Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Liiska Musharrixiinta Rasmiga ah ee la shaaciyay ayaa guud ahaan ka kooban 22 Musharrax oo 11 kamid ah u tartamayaan xilka Madaxweynaha halka 11 kale u tartamayaan Madaxweyne ku xigeenka.

Dhammaan Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu wargeliyay in ay Axadda berri ah oo ku beegan 7 Jan 2024 hor yimaadaan Baarlamanka si ay Hadal-jeedinta u sameeyaan.

Halkan ka akhriso Liiska.

MADAXWEYNAHA JFS OO KA HADLAY XADGUDUBKA ITOOBIYA EE DALKA SOOMAALIYEED

xasan sheekh

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha oo maanta kaga hadlay xadgudubka Itoobiya ee gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay u midoobaan dhowrista sharafka iyo difaaca madaxbannaanida qaranimada Soomaaliyeed.

NABADSUGIDA SOOMAALIYA OO XABSIGA U TAXAABTAY SULDAAN HOOLEY

suldaan hooley

Nisa ayaa la sheegay in ay xabsiga u taxaabtay Suldaan Hooleey oo ah nin baraha bulshadda Caan ka ah.

Sida la sheegay waxaa loo haystaa oo wax laga weydiin doonaa hadal uu dhawaan ku taageeray Heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay Somaliland la gashay Dowladda Itoobiya.

GUDDIGA DOORASHADA MADAXTOOYADA PUNTLAND OO LA MAGACAABAY

gudiga doorashada madaxtooyada puntland 2024

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamanka mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa lagu magacaabay Gudddiga Doorashada Madaxtooyada.

Guddiga oo ka kooban 7 Xubnood waxaa Guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Cabdiweli Yuusuf Warsame oo hore Guddoomiyr ugu ahaa Guddigii Doorashada Guddoonka Baarlamanka.

Halkan ka akhriso Warqadda Magacaabista.

XIL. CABDIRISAAQ AXMED SICIID OO LOO DOORTAY GUDDOOMIYAHA BAARLAMANKA PUNTLAND

gud baarlamaanka puntland Crisaaq Axmed Siciid

Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Puntland shanta sano ee soo socota kadib markii ay tanaasuleen Musharrixiintii ula gudbi lahaa Wareegga labaad.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Wakiilada Puntland mudane Xasan Cabdalla Xasan oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Natiijada Wareega Kowaad ee Doorashada ayaa shaaciyay in mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid uu ku guulaystay Guddoomiyaha cusub.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa Wareegii kowaad ee Doorashada ka helay 37 cod halka Musharrixiintii ku soo xigay ee Mursal Maxamuud Cabdi iyo Maxamed Faarax Maxamed Gabyo oo helay min 10 cod kadibna ka tanaasuleen Wareegga labaad ee Doorashada.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa isna ku haray Wareega Kowaad ee Doorashada Guddoonka kadib markii uu helay 8 cod oo keliya.

MASAR OO KU BAAQDAY IN LA DHOWRO MIDNIMADA IYO MADAXBANAANIDA SOOMAALIYA

arimaha dibada masar log

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa maanta warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay in loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay: “Jamhuuriyadda Masar waxay ka soo horjeedaa tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qarannimada Soomaaliya”, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda oo kaliya ay xaq u leeyihiin inay ka faa’iidaystaan kheyraadkooda.

Jamhuuriyadda Masar ayaa aad uga mahad-celisay bayaannada ay soo saaraan dalalka gobolka iyo kuwa caalamkaba, kuwaas oo dhinac uga soo horjeestay tallaabooyinka lidka ku ah xasilloonida Geeska Afrika, siina xoojinaya xiisadda u dhexeysa dalalka gobolka.

Masar ayaa adkaysay baahida loo qabo in la ixtiraamo shuruucda u degsan Midowga Afrika, oo ay ku jiraan difaaca madax-bannaanida dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah iyo mabaadi’da Midowga oo qeexaya in la ixtiraamo xuduudaha dalalka xubnaha ka ah.

LABADA GOLE EE FADERAAL OO BURIYEY IS AFGARADKII ITOOBIYA IYO SOMALILAND

Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ayaa soo saaray Xeer ku aaddan burinta is afgaradka maamulka Soomaliland iyo Dowladda Ethiopia.

SOMALILAND OO RAALIGELIN KA DALBATAY DF

astaanta somaliland

Xukuumadda Somaliland ayaa raalligelin buuxda ka dalbatay dowladda federaalka, kadib markii wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in heshiiskii Jabuuti uu ahaa mid lagu midaynayay labada dhinac.

Maxamed Kaahin Axmed wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo u jawaabay Fiqi ayaa shaaca ka qaaday inuu jebiyay qodob kamid ah heshiiskii ay ku gaareen dalka Jabuuti.

Wasiirka ayaa xusay in qodobkaas uu ahaa in heshiiska laga ilaaliyo hadallada xanafta leh iyo wixii dhaawacaya intaba, sida uu ku dooday.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu aad uga xun yahay hadalka kasoo yeeray Fiqi ee ah in laga wada-hadlayayay sidii loo mideyn lahaa Soomaaliya iyo Somaliland.

“Waxa ku jiray in dhinac waliba ilaaliyo geedi socodka shirarka, isla markaana aan la samaynin hadalo iyo qoraalo dhaawacaya geedi socodka shirarka iyo jawiga wadahadalada, waxaan ka xumahay in wasiirkii aanu wada saxeexnay uu ku tilmaamay mid dalka wadajirkiisa loogaga talinayay” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Somaliland ayaa intaasi kusii dartay in arrintan ay muujineyso in Soomaaliya ay durbo ka baxday heshiiskii, balse ay ka dalbanayaan raalligelin, si loo sii wado wada-hadallada.

“Arrintani waxay muujinaysa in heshiiskii ay ka baxday Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaanu ku baraarujinaynaa in ay raaligalin ka bixiyaan qodobkan wasiirku uu sida khaldan u tilmaamay” ayuu mar kale yidhi Wasiirku.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in ujeedka heshiiska aanu ahayn in Somaliland iyo Soomaaliya midoobaan, balse uu ahaa in labada dhinacba ay gaaraan heshiis ay raali ku wadayihiin mustaqbalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, ayada todobaadkii hore ay waddanka Jabuuti ku kulmeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo gaaray heshiis ka gooban siddeed qodob, kadib markii uu isku keenay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada dhinac waxay sidoo kale ku heshiiyeen in 30 maalmood gudahood go’aan looga gaaro hanaanka geedi socodka wadahadaladaas, iyadoo lasoo magacaabayo guddiyo farsamo oo fududeeya wadahadallada.

Si kastaba, waxaa heshiiskaas kasoo dib maray mid kale oo ay shalay Addis Ababa ku saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka, kadib markii dowladda Itoobiya loo saxiixay 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliyeed.

M SHIIKH SHARIIF OO SHARCI-DARRO ETHIOPIA IYO SOMALILAND

sheekh shariif

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiiskii ay wada gaareen Somaliland iyo Ethiopia.

Sheekh Shariif ayaa yiri “Heshiiska sharci darrada ah ee maanta ay wada gaareen RW Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland, wuxuu xad-gudub ku yahay madaxbannaanida Dalkeenna wuxuuna ka hor imaanayaa qawaaniinta Adduunka.

Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ilaaliso deris wanaagga iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labadeenna Dal.

Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u midoobaan ilaalinta midnimadooda, Karaamadooda iyo Kheyraadka Dalkooda.

Ugu dambeyn Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa in ay arintaan ka soo saarto go’aan deg deg ah oo ay ku caddeyneyso mowqifkeeda iyo waxa ay kala socoto heshiiskaas sharci darrada ah.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY