Home Blog Page 18

KABTAN AYUUB IYO FOODCADE OO MAANTA KORMEERAY CIIDAMADA SSC EE JIIDA OOG

0

Yuutuubarada caanka ah ee Kabtan Ayuub iyo Axmed Foodcade ayaa maanta booqday Taliska Ciidanka SSC Khaatumo iyo jiidaha hore ee Oog, iyagoo la shiray saraakiisha Ciidanka Hogaamisa.

Labadan nin oo sumcad iyo taageero weyn ku leh SSC ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey degaamaddii ay booqanayeen.

Shalay ayey ahayd markii si weyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Laascaanood.

5 QOF OO FALASTIINI AH OO LAGU DILAY DAANTA GALBEED EE LA HAYSTO

0

Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Falastiin ayaa sheegtay in shan qof oo Falastiiniyiin ah la dilay, lix kalena lagu dhaawacay weerar ay ciidammada Israa’iil ku qaadeen xerada Jenin ee daanta galbeed ee la haysto.

Ciidamada ayaan weli ka hadlin dhacdadan, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada milateriga ay duqeyn diyaaradeed ku qaadeen koox looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxo mintidiin ah.

In ka badan boqol iyo lixdan falastiiniyiin ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ciidammada Israa’iil ku dileen daanta galbeed tan iyo markii ay Xamaas weerartay Israa’iil bishii Oktoobar ee toddobaad.

CIIDAMADDA SSC-KHAATUMO OO LA WAREEGAY DEGAANKA BUQDHARKEYN

0

Ciidamadda maamulka SSC-Khaatumo ayaa saaka la wareegay tuulada Buqdharkeyn oo magaalo u ahayd Ciidamadda Somaliland.

Ciidamadda SSC-Khaatumo ayaa sheegtay inay Somaliland gaarsiiyeen khasaare balaaran oo isugu jira dhimasho dhaawac, maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo la kala qabsaday.

Maxaabiista waxaa ka mid ah Taliyihii saadka ee Somaliland Aagga Bari.

SSC-KHAATUMO OO WARSAXAAFADEED KA SOO SAARAY WEERAR MALEESHIYADA SNM SOO QAADEEN

0

Laascaanood, 08 November 2023:-

Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu si dhaw ula socdaa go’aammada colaadeed ee ka imaanaya maamulka Somaliland, kuwaas oo ku hawlan in ay colaad qabiil iyo dagaal beeleedyo ka abaabuulaan beelaha deggan deegaammadaas.

Maamulka Muuse Biixi wuxuu saaka weerar kusoo qaaday deeganada Buqdharkayn ilaa Yeyle oo isku jirta masaafo dhan 8 Kilometer. Deegaannadaas oo shalayna ay ciiddammada Soomaalilaan ku laayeen dad reer miyi ah kuwo kalena ku dhaawaceen. Weerarka saaka ayay malayshiyaadku ku laayeen dad reer miyi ah kuwo kalena ku barakiciyeen.

Ciiddammada difaaca maamulka SSC-KHAATUMO oo heegan buuxa ku jiray ayaa ka jawaabay weerarkaa fulaynimada ah iyagoona iska caabbiyey malayshiyaadka maamulka Somaliland.

Maamulku wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, in Muuse Biixi uu ka dhabaynayo ballan qaadkii colaad ka hurin deegaannada oodwadaagta ah, taasoo keenaysa dhimasho, burbur, iyo qaxinta bulshada oodwadaagta ah.

Haddaba, Maamulka SSC-Khaatumo isaga oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda ka saaran shacabkiisa iyo deegaankiisa wuxuu caddaynayaa in uu si dhab ah u qaadanayo colaad hurinta ay Somaliland waddo si dhawna uu ula socdo dhaqdhaqaaq kasta oo ay Somaliland damacsan tahay.

Sidoo kale Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ogaysiinayaa Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda, islamarkaana aannu u hoggaan samayno xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Ugu dambayn, Maamulka SSC-Khaatumo waxuu mar labaad hoosta ka xarriiqayaa in ay u diyaarsanyihiin difaaca iyo ilaalinta nafta, dhulka iyo sharafta deegaannada SSC-Khaatumo oo idil, weerar kasta oo ka yimaadda Muuse Biixina ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin, kuwaas oo uu masuuliyaddeeda qaadayo Muuse Biixi iyo kooxdiisa.

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha.

QASA OO LAGU TILMAAMAY QABUURAHA CARRUURTA FALASTIINIYIINTA

0

Muddo bil ah ayaa maanta ka soo wareegatay markii ururka Xamaas ay weerar ku qaadeen Israel, 7-dii bishii Oktoobar ee sanadkan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guteres, ayaa ka digay in Qasa ay noqotay qabuuraha carruurta, iyadoo Israel ay weli waddo duqeymaha ay ka geysaneyso Qasa.

Waxaa uu sidookale sheegay, in dhibaato bini’adantinimo ay ka taagantahay Qasa.

Goor sii horreysay ayaa danjiraha faransiiska ee Qaramada Midoobay, wuxuu ku baaqay heshiis bani’aadminimo oo ka dhaca Qasa.

Saffiirka, Nicolas De Riviere, wuxuu sheegay in taasi ay horseedi doonto xababd joojin. Laakin saaxiibada faransiiska, maraykanka iyo UK waxay sheegeen in xabbad joojinta ay faa’iido u leedahay xamas oo kaliya.

JAWAABTII LEEF-LEEFOWGII ISIMADA IYO BARYADOODII NABADA JAWAABTEEDU WAA DILKA REER GUURAAGA

0

Tan iyo Maalintii maleeshiyaddii SNM cagta la mariyey waxaa shacabka SSC-Khaatumo u muuqatay oo weliba ka digayeen khalaad badan oo ay isimadda SSC ku kacayeen, khaladaadkaas oo ay ka mid ahaayeen shaqaddii maamulka oo ay ku milmaan, hawlihii Ciidamadda oo ay dhexgalaan, baaqyo nabadeed oo aan bislayn kuwaas oo loo arkay baqdin ay gooni-u-goosatadu ku faraxday, heer ay dalbadaan in maxaabiista Muuse Biixi loo siidaayo.

Leefleefowgii Garaadadu wuxuu gaaray heer taladii dhaqanka SSC ay Boqor Buur-Madow gacanta u gasho, Jawaabtii Nabadgelyaddii ay baryayeena waxay noqotay in maanta Deegaanka Madax-lagu-Xoor oo u dhaxaysa deegaanka Yeyle iyo Guumays ay maleeshiyadda SNM si gaadmo ah ugu dilaan Labo Nin oo shacabkii Reer Guuraagga ah oo xoolahoodii daaqsanayey.

GANACSATADA DEGMADA LAASCAANOOD 102 GEEL AH KU WAREEJIYEY CIIDAMADDA

0

Xogahayaha Ganacsiga Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdi Sataar Maxamed Shiikh Cumar oo uu weheliyo Maayarka degmada Laascaanood C/Raxiin Cali Ismaaciil ayaa ku wareejiyey Xoghayaha Amniga iyo Difaaca SSC-Khaatumo mudane Maxamuud Yuusuf Xasan deeq geel ah oo ay bixiyeen ganacsatada Magaalada Laascaanood .

Tirada Xoolahan ay bixiyeen ganacsatadani oo ah Kadin geel ah (102 Neef oo Geel ah ) Wajigii 2 aad ayey ugu tala galeen Ciidamada difaaca ee SSC-Khaatumo .

Xoghayaha Amniga iyo Difaaca SSC-Khaatumo mudane Maxamuud Yuusuf Xasan oo ay weheliyaan Saraakiisha Sarsare ee SSC ayaa uga mahadnaqay

Ganacsatada waxaana uu sheegeya in ganacsatada Magalaada Laascaanood ay guteen waajibkooda ugu baaqay ganacsatada guud ee SSC-Khaatumo iyo qurbajoogta inay doorkooda sii xoojiyaan.

Ganacsatadan ayaa sheegey inay maamulkooda garab taagan yihiin isla markaana ay bixinayaan Cashuuraha kala duwan ganacsiga, Kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaanka iyo horumarka caasimada iwm.

MUUSE BIIXI OO KA CABANAYA QARASHKA KAGA BAXAY DANJIREYAASHA KALAGOYNTA EE GOLEYAASHA DFS

0

Hogaamiyaha Maamulka gooni-u-goosadka Hargeysa Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn uga cowday dhaqaalaha kaga baxay xubnaha Danjireyaasha kalagoynta Soomaaliya ee ku jira Goleyaasha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Muuse Biixi oo u waramayey Siyaasiyiin iyo Odayaal ayaa sheegay inuu Caasimadda Soomaaliya u diray lacag malaayiin doollar gaaray oo uu ugu tallo galay in lagu laaluusho xubno qadiyadda Somaliland ka difaaca Goleyaasha iyo xubno abaabulo nidaam qabyaaladeed uu ku sheegay Irir Samaale, isagoo cadeeyey in lagu guuldaraystay, isagoo eeda dusha u saaray xubnihii uu dhaqaalaha ku shubay uu hawsha u xilsaaray oo aan dhaqaalihii sidii la rabay u isticmaalin, islamarkaana jeebka ku shubtay, wuxuu sheegay in loo sheegay inay gacanta ku hayaan xubnaha Baarlamaanka, Dir, Digil iyo Mirifle iyo Beesha Shanaad, kuwaas oo diyaar u ah inay Dastuurka lugu qoro qodobo fududeynaya kala goa dalka Soomaaliya.

WASIIR ISRAA’IILLI AH OO KU BAAQAY IN QASA NUKLIYEER LAGU DHUFTO

0

Wasiir cusub oo dowladda Israa’iil ka tirsan ayaa laga joojiyay dhammaanba kulamada dowladda ilaa amar dambe, kadib markii uu soo jeediyay in nukliyeer lagu garaaco Qasa “ay ka mid ahayd waxyaabaha suurtogalka ah”.

Amihai Eliyahu, oo ah wasiirka dhaqanka ee dalkaas, ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay raadiyaha Kol Beramah.

Wuxuu sheegay “inaysan jirin kuwo aan dagaal ku jirin oo Qasa jooga” isla markaana in gargaar bani’aadannimo oo la siiyo rayidka Falastiiniyiinta ay ka dhignaan doonto “guuldarro”.

Mar wax laga weydiiyay in taasi micnaheedu uu yahay in sabab looga dhigi karo adeegsiga nukliyeerka, ayuusan wasiirku ka jawaabin.

Raysal wasaare Benjamin Netanyahu ayaa degdeg uga falceliyay, isagoo sheegay in warka wasiirka uu ka fog yahay xaqiiqda.

Eliyahu, oo ka tirsan xisbiga midig-fog ee Otzma Yehudit (Awoodda Yahuudda), ayaanan wax door ah ku lahayn dagaalka ka socda Qasa.

GACAN KU DHIGGLE MUUSE BIIXI OO KA HADLAY XASUUQA QASA

0

Gacan-ku-dhiiglaha Hargeysa ka taliya Muuse Biixi cabdi ee mudada 8 bilood duqeynta iyo Xasuuqa ka wadey Magaaladda Laascaanood ayaa maanta si weyn uga hadlay Xasuuqa yuhuudu ka wado Qasa.

Waxaa muuqata in Muuse biixi iyo culimadda degaamadaasi ay dhiigga Soomaalida xalaal iyo cibaado u yaqaaniin, iyadoo ummadda saoomaaliyeed ka yaabeen markii ay arkeen kuwo culimo sheeganaya oo iska ilmaysiinaya, balse 8 bilood ee duqaynta laascaanood aan wax naxariis ah laga dareemin.